Paul Pogba Oo Ka Cadhooday Coman & Kimpembe Oo Ku Dacaayadeeyey Inuu

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa ka cadhooday ciyaartoyda xulka qarankiisa France ee Kingsley Coman iyo Presnel Kimpembe oo ku dacaayadeeyey inuu tegayo Paris Saint-Germain xilli ay kaftamayeen.

Pogba oo heshiiskiisa Manchester United uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay, ayaan wali saxeexin qandaraas cusub, waxaana la fahamsan yahay in wakiilka laacibkan ee Mino Raiola iyo Red Devils aanay isku wanaagsanayn, taas oo dabada ka riixi karaysa in kubbad-sameeyahani uu soo afjaro waayihiisa Old Trafford.

Real Madrid iyo Juventus ayaa ah labada kooxood ee ugu waaweyn ee lala xidhiidhinayo in Pogba uu tegi doono haddii uu ka baxo Manchester United, laakiin PSG ayaa iyaduna awood u leh inay bixiso mushaharka xad-dhaafka ah ee xiddigani uu doonayo, waxaana muuqata in ay danaynayaan adeeggiisa.

Laakiin Pogba ayaa meesha ka saaray inuu tegayo kooxda reer France, sababtuna waxay tahay in labadiisa waalidba ay yihiin taageereyaal kooxda Marseille ah taas oo ay aad isku neceb yihiin PSG.

Si kastaba, Coman iyo Kimpembe ayaa go’aansaday inay ka riwaayadsadaan Pogba iyagoo ku dacaayadaynaya PSG xilli uu socday shir jaraa’id.

Kimpembe ayaa ku yidhi Pogba: “Waxa aanu ka hadlaynaa Paris”.

Coman ayaa ugu jawaabay: “Haa, waxa aad tihiin ciyaartoyda Paris, sow maaha?”

Pogba oo aan la dhacsanayn ayaa yidhi: “Haa, sow maaha?”

Coman ayaa kaddibna sheekada sii xumeeyey, waxaana uu Pogba ku yidhi: “Horta xidhiidh ma leedihiin Al-Khelaifi?”

Kimpembe ayaa ku daray: “Heshiiska Pogba si degdeg ah ayuu u dhacayaa suuqa.”

Intaas kaddib ayuu Pogba iskaga dhaqaaqay iyagoo ciyaaryahannadani wata sheekadooda, waxaanay warbaahinta Ingiriisku tilmaantay inuu ka cadhooday hadalladooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More