Akhriso Oo Ha Yaabin: Xogtii U Dambaysay Ee Lionel Messi Iyo Barcelona

Lionel Messi ayaa galay fasax iyadoo aanu dhamaanin xilli ciyaareedku, waxaanu ku laabtay waddankiisa oo uu kala-qaybgalyo kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka iyo tartanka Copa America ee dhowaanta bilaabmaya.

Waqtiga uu Lionel Messi baxay ayay taageereyaashu filayeen in kooxdu ay miiska la fadhiisato oo ay u bandhigto heshiis cusub, mustaqbalkiisana la go’aamiyo ka hor inta aanu fasaxa gelin. Laakiin taasi, ma dhicin waxaana xiddigan iyo qoyskiisuba ay diyaarad khaas ah u qaateen Argentina.

Dhamaadka bishan aynu ku jirno ee June ayuu ku egyahay heshiiskii Lionel Messi iyo Barcelona, waxaana haddii lasii faahfaahiyo kaliya uga hadhsan laba toddobaad iyo maalmo.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa magaalada Madrid, kooxda reer Spain ee Barcelona ayay la yaabayaan taageereyaashu marka ay xogtan arkaan, xataa adiga akhrisanaya ayay layaab kugu noqonaysaa.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaan wali heshiis cusub u bandhigin Lionel Messi, mana jiro illaa hadda wax dalab ah oo rasmi ah oo laacibkaas gaadhay oo ay Barcelona kaga dalbatay inuu saxeexo heshiis cusub oo uu kooxdan kula sii joogayo.

Marka laga yimaaddo hadal-haynta suuqa ku jirta iyo warbaahinta oo Joan Laporta uu mar walba ka sheego in ay rajaynayaan in Messi uu qandaraas cusub saxeexo, haddana iyadoo 20 maalmood oo kali ah uu Leo sii ahaanayo ciyaartoy Barca ah, ma jiro wax dalab heshiis cusub ah oo la gaadhsiiyey isaga iyo wakiilkiisa Jorge Messi oo ah aabbihii.

Joan Laporta ayuu warku sheegay inuu doonayo in heshiis laba sannadood ah uu saxeexo Messi, xilli ciyaareedkiina uu mushahar u qaato 50 milyan oo Euro, laakiin illaa hadda hdalabka heshiiskaasi ma gaadhin laacibkan.

Warkani waxa uu beeninayaa hadal-hayn kale oo suuqa ku jirtay oo sheegaysay in Barcelona ay heshiis toban sannadood ah u bandhigtay 33 jirkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More