Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Paul Pogba Oo Halis Ugu Jira In Laga Ganaaxo EURO 2020 & Ficilka

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Paul Pogba ayaa halis ugu jira in laga ganaaxo tartanka qaramada Yurub ee UEFA, kaddib markii uu xalay jabiyey sharciga xakamaynta Fayraska Korona ee ay dejisay UEFA.Paul Pogba oo wacdaro ka dhigay kulankii dalkiisu guusha dirqiga ah kaga gaadhay Germany oo ay ku wada ciyaareen magaalada Munich, taas oo uu laacibkani ahaa furaha goolkii uu iska dhaliyey Mats Hummels.Laacibkan ayaa kubbad baas fog oo dhinaca kale ah waxa uu u tuuray Lucas Hernandez oo isaguna kubadda soo mariyey goolka…

QIIMAYN: Kulamadii Koowaad Ee EURO 2020 Oo Soo Dhamaaday Iyo Qiimayn

Kulamadii hore ee tartanka qaramada Yurub ee Euro ayaa lasoo gabo-gabeeyey, waxaana durba soo baxday qiimaynta sida ay waddamadu ugu kala horreeyaan hanashada koobka iyo sida ay u kala awood badan yihiin.Tartankan oo soo bilowday June 11, laguna daahfuray Talyaaniga iyo Turkey ayaa waddan walba waxa uu ciyaaray hal kulan, waxaana u hadhsan min laba ciyaarood oo wareegga groups-ka ah, kuwaas oo lasoo gunaanadi doono June 23.Euro 2020 oo soconaya muddo bil ah, lana soo afjarayo July 11, waxa la sugayaa in afarta waddan ee ugu…

DAAWO: Antonio Rudiger Oo Qaniinay Paul Pogba, Ficilladii Luis Suarez

Difaaca xulka qaranka Germany ee Antonio Rudiger ayaa u muuqday inuu dhabarka ka qaniinay xiddiga reer France ee Paul Pogba intii ay socotay ciyaartii xalay ay labada waddan ku kulmeen magaalada Munich ee tartanka qaramada Yurub.Kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay Paul Pogba oo dib ugu siqaya Rudiger oo isaguna ku foorsaday dhabarkiisa, isla markaana u muuqday inuu qaniinayo, taas oo ay ku xigtay in Pogba uu qayliyey oo uu foorsaday.Rudiger ayaa la moodayay in markii hore uu iska riixaya Pogba amaba uu gadhkiisa ku gujinayo,…

“Xiddig Ugu Wanaagsan Ee England Waa Harry Kane, Ma Jirto Sabab Uu U

Harry Kane ayaa ah xiddiga ugu wanaagsan ee ay Ingiriisku haystaan, mana gelin karaan kaydka iyadoo laga doorbidayo weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin, sida uu rumaysan yahay Gary Neville.Halyeyga Ingiriiska ayaa sheegay, in shaxda England ay tahay inuu mar walba kasoo muuqdo Harry Kane oo uu xusay inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan ee Ingiriisku haystaan waqtigan.Kane oo dhaliyey 34 gool oo xulka qaranka England ah ayaa bandhig aan wanaagsanayn ka sameeyey ciyaartii Croatia ee ay ku furteen tartanka qaramada…

Faransiiska Oo Hadiyad Uu Ka Helay Hummels Ku Garaacay Jarmalka, VAR

Xulka qaranka France ayaa guul kasoo gaadhay waddanka Germany oo ay marti ugu ahaayeen magaalada Munich, waxaana ku filnaaday gool madi ahaa oo uu qaybtii hore iska dhaliyey Mats Hummel.Kulankan oo fursado badan uu iska lumiyey Faransiiska oo laba goolna laga diiday, ayaa waxa guul 1-0 ah gaadhay France oo inta badan maamulayay ciyaarta, marka laga yimaaddo qaybtii dambe oo Jarmalku bandhig cajiib ahaa la yimid, laakiin ay awoodi waayeen inay shabaqa taabtaan.Daqiiqaddii 20aad ee ciyaarta ayay Faransiisku u dabbaal-degeen…

Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Isku-aadka Horyaalka

Isku-aadka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa la samayn doonaa subaxnimada berri oo Arbaca ah, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa faahfaahin la xidhiidha qaabka loo samaynayo.Shabakaddaha Laacib iyo Goal24 ayaa diyaar idiin ah waqtiga isku-aadka oo aad kala socon doontaan wararka la xidhiidh, laakiin ka hor ayay tahay inaad ogaato waxyaabo muhiim ah.Tirada kulamada Premier League ee la ciyaari doono 2021/22: 380 ciyaarood.Tirada kooxaha: 20 naadiGoorma ayuu soo baxayaa isku-aadka xilli…

RIKOODH: Ronaldo Oo AFAR Rikoodh Jabiyey CAAWA & Taariikhda Gaarka Ah

Cristiano Ronaldo ayay u ahayd habeen farxadeed oo uu dalkiisa guul ku hoggaamiyey, sidoo kalena uu jabiyey rikoodho taariikhi ah.Xiddigan reer Portugal ayaa laba gool saxeexay ciyaartii uu dalkiisu 3-0 kaga badiyey Hungry, iyadoo lagu ciyaarayay magaalada Budapest ee caasimadda Hungry, halkaas oo uu kala soo laabtay saddex rikoodh iyo dalkiisa oo isaguna guusha ku darsaday rikoodh cajiib ahaa.Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka qayb-galay shan jeer tartanka qaramada Yurub ee Euro, mana dhicin…

Xiddigii Garoonka Ee Labada Ciyaartoy Isku Qabsadeen Iyo Qiimaynta

Portugal ayaa guul waqti dambe ah ka gaadhay Hungry oo ay wada-ciyaareen kulanka ugu horreeya Group F ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.Saddex gool oo lixdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ay kala dhaliyeen Cristiano Ronaldo oo laba gool oo midkood rikoodhe ahaa dhaliyey iyo Guerreiro oo goolka furitaanka u saxeexay Portugal ka hor intii aanu CR7 keenin labada dambe.Portugal oo inta badan maamulayay ciyaarta ayaa gool lagaga naxsaday, waxaase Hungry loo sheegay inuu offside ahaa.Xiddigii garoonkaCristiano…

Every game played at Euro 2020

Euro 2020 is taking place in 11 host cities across Europe. There will be 51 matches at the end of the tournament in July when the competing nations are beaten.Here is a look at each match in the competition, ranked from worst to best.Denmark vs. Finland - UEFA Euro 2020: Group B / Friedemann Vogel - Pool / Getty ImagesGroup B: June 12The game that will be remembered for all the wrong reasons after the Danish star Christian Eriksen went into cardiac arrest and collapsed just before half time. It could have been fatal but…

Shaxda Rasmiga Ah Ee France vs Germany – Benzema, Mbappe Iyo Xiddigaha

Faraniiska  iyo Jarmalka ayaa foodda isku daraya kulankooda ugu horreeya ee tartanka qaramada Yurub ee Euro, waxaanu mid walba u dagaallamayaa inuu guuleysto si uu ula mid noqdo Portugal oo ay ku wada jiraan Group F, isla markaana guul weyn ka gaadhay Hungry.Tababaraha France ee Didier Deschamps ayaa kusoo galay shaxdii ugu adkayd, isagoo kaydka u diray Olivier Giroud oo uu khilaaf kala dhexeeyo Kylian Mbappe iyo Karim Benzema oo ay hore warbaahinta iskugu weerareen ka hor intii aan Karim lagu soo celin xulka.Deschamps ayaa…