Miyaa La Fasaxay? Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaarey Mustaqbalka Marcelo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee Marcelo oo xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ku jiray kaydka iyadoo uu Zinedine Zidane ka doorbiday Ferland Mendy iyo ciyaartooyo kale oo da’yar ah.

Marcelo oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ka hadhsan yahay sannad kaliya, ayaa waxa uu sii joogi doonaa Santiago Bernabeu xilli ciyaaareedka 2021/22 oo marka uu dhamaado uu xor ka noqon doono Los Blancos.

June 2022 ayaa uu Marcelo ku egyahay heshiiskiisu, waana maalmo yar kaddib marka uu dhamaado xilli ciyaareedka dambe.

Difaacan reer Brazil oo la filayay inuu ka tago Real Madrid xagaagan, ayaa kaddib bixitaankii Zinedine Zidane waxa uu beddelay go’aankiisa, maadaama uu tababare noqday Carlo Ancelotti oo xidhiidh wanaagsan uu ka dhexeeyo.

Xilli ciyaareedkii 2014/15 ee uu Ancelotti ahaa tababaraha Real Madrid, Marcelo ayaa ciyaaray 53 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, taas oo ka dhigaysay ciyaartoyga ugu safashada  badan kooxda, halka xilli ciyaareedkii tegayna uu ahaa mid bahdil ugu jiray kursiga kaydka.

Zidane ayaa ka doorbiday Ferland Mendy oo kaydka ku hayey Marcelo, waxaana xaaladdu kasii dartay markii uu Miguel Gutierrez uga yeedhay kooxda da’yarta ee uu ciyaarsiiyey Marcelo oo jooga.

Marcelo oo ah kabtan ku-xigeenka Real Madrid ayaa la filayaa inuu noqdo kabtanka koowaad ee kooxda haddii uu Sergio Ramos tago, taasina waxay sare u qaadi doontaa fursadaha uu ku ciyaari doono.

Waayihii Marcelo ee Real Madrid

Marcelo ayaa yimid Real Madrid sannadkii 2006 isagoo kasoo wareegay naadiga ka dhisan Brazil ee Fluminense, waxaana uu beddelay Roberto Carlos. 15 sannadood kaddib, Marcelo ayaa jabiyey rikoodhkii safashada Carlos, waxaana uu yahay ciyaartoyga ajaanibka ah ee taariikhda kooxda ugu safashada badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More