Magacyada SAGAAL Ciyaartoy Oo Liverpool Ay Ka Caydhinayso Kooxdeeda

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp iyo madaxa suuqa ee Michael Edwards ayaa suuqa soo dhigay sagaal ciyaartoy oo ka tirsan kooxdaas oo ay iibinayaan inta uu furan yahay suuqa  iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Klopp iyo Edwards ayaa si wada-jir ah uga shaqaynaya sidii ay kooxdu u heli lahayd ciyaartooyo tayo leh oo wax kusoo kordhiya xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxa hortaalla caqabad ah inay kaliya kuwa ay haystaan suuqa dhigaan oo ay iibiyaan, si ay ugu soo beddelan karaan laacibiin kale.

Liverpool ayaa haysata ciyaartooyo ay u taqaano badeeco khaayis ah oo aan waxba u taraynin, waxaanay kaliya ka doonaysaa in ay ciyaaryahannadaas ka samayso £60 milyan oo Gini, taas oo haddii ay helaan u noqon karta dakhli ay suuqa kaga adeegan karaan.

Liverpool ayaa waqti horeba ka faa’iidaysatay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaanay lasoo saxeexatay difaaca aadka loo qiimeeyo ee Faransiiska ah ee Ibrahima Konate oo RB Leipzig ay kala soo wareegtay, iyadoo kasoo bixisay £35 milyan oo Gini oo ahayd lacagtii lagu burburinayay qandaraaska laacibkaas.

Reds ayaa waxay go’aansatay in aanay cusboonaysiinin heshiiska amaahda ah ee Ozan Kabak, rasmina aanay u beddelin, taas oo ka dhigan inuu ku laabanayo kooxdiisa markii uu xilli ciyaareedku soo dhamaaday.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Liveprool ayaa suuqa soo dhigaysa sagaal ciyaartoy oo qaarkood ay yihiin xiddigo sannadihii ugu dambeeyey qayb ka ahaa guulihii kooxda ee horyaalka Premier League iyo Champions League.

Sagaalka ciyaartoy ayaa kala ah: Harry Wilson, Divock Origi, Marko Grujic, Xherdan Shaqiri, Liam Millar, Taiwo Awoniyi, Loris Karius, Sheyi Ojo, iyo Ben Woodburn.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa diiraddeedu saaran tahay Youri Tielemans oo khadka dhexe uga ciyaara Leicester City iyo sidoo kale Lorenzo Pellegrini oo ay doonayso in midkood u buuxiyo kaalintii uu banneeyey Georginio Wijnaldum oo si xor ah ugu wareegay PSG.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More