Waatan Kooxda Heshiiska SHANTA SANO Ah U Bandhigtay Sergio Ramos Oo

Kooxda ree Spain ee Sevilla ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis shan sano ah u bandhigtay daafaca dhexe ee Real Madrid ee Sergio Ramos haddii uu daafacaasi go’aansado inuu kooxda caasimada Spain iskaga tago xagaaga.

35 sano jirkaas ayaa kasoo baxay akaademiyada Sevilla isaga oo usoo ciyaaray kooxda koowaad kahor inta uusan Real Madrid u wareegin sanadkii 2005 halkaas oo uu wakhti dahabi ah ku qaatay kuna hantay 22 koob.

Mustaqbalka Sergio ee Real Madrid ayaan ahayn mid meel ku cad ilaa haatan xilli qandaraaskiisii hore dhammaadka bishan dhacayo iyadoo aan wali wax heshiis kordhin ahna la isku fahmin.

Sida uu sheegayo wargeyska El Primer Palo, Sevilla ayaa u bandhigtay Ramos heshiis uu sanadkii lacag 6 Milyan oo pound ah ku qaadanayo si ay dib ugu soo celiyaan.

Heshiiska ay Sevilla u bandhigtay Ramos oo ah mid dhacaya marka uu 40 sano jir gaadho ayuu ku jiraa qoddob u ogolaanaya inuu kooxda door kale oo aan ciyaaryahan ahayn kula shaqeeyo.

Waxa xusid mudan in badi jamaahiirta kooxda Sevilla ay ka cadhoodeen qaabkii uu kooxdooda kaga tagay sanadkii 2005 iyadoo ay kuwo badani qabeen inuu wakhti fiican ku qaadan doono kooxdooda.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii uu Ramos sheegay inuusan qoomamo ka qabin qaabkii uu kooxdaas uga baxay balse haddana markasta magaalada uu kasoo jeedaa ay boos weyn ku leedahay qalbigiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More