“Hazard Ayaad Dhaawacday Kaddib Waxaad I Leedahay….” – Thomas

Daafaca midig ee kooxda Borussia Dortmund ee Thomas Meunier ayaa shaaca ka qaaday hadal dhex maray isaga iyo madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez wakhtigiisii Paris Saint-Germain.

- Advertisement -

Meunier ayaa la xasuustaa inuu sanadkii 2019 dhaawac canqawga ah gaadhsiiyay saaxiibkiisa xulka Belgium ee Eden Hazard oo uu Real Madrid kaga hortagay.

Meunier ayaa tan iyo wakhtigaas saxaafada kahor sheegayay inuusan si ulakac ah dhaawaca u gaadhiin Hazard balse uu ahaa loolan kubaddeed oo daafac iyo weeraryahan dhex mara.

Meunier ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweyne Perez isla markaana uu u sheegay sida uu ugu faraxsan yahay la kulankiisa balse Perez ayaa kala hor yimid cadho ka dhalatay dhaawaca uu gaadhiiyay Eden.

Thomas oo warbixin siinayay il-wareedka RTBF Sport ayaa yidhi “Kulanka kaddib waxaan joogay dhinaca garoonka kaddib Florentino ayaa yimid”

“Gacantayda ayaan fidiyay waxaanan ku idhi ‘Waan ku faraxsanahay inaan kula kulmo, waxa uu iigu jawaabay ‘Waan ku faraxsanahay inaan kula kulmo aa? ma ogtahay inaad hadda uun dhaawacday Hazard? waxaanad ii sheegaysaa inaad ku faraxsantahay inaad ila kulanto miyaa?

“Waxaan ugu jawaabay ‘Miyaan dhaawacay Hazard? ma qaladkaygaa’ waxa uu yidhi ‘Haa waa qaladkaaga, waxaan u sheegay inay ahayd taako sida kuwa kale ah, waa kubadda cagta waxayna ahayd ciyaar lamid ah kuwa kale”

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More