Ma Aamini Karaan Jamaahiirta Man United!! – Jadon Sancho Oo Tilmaamay

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa shaaca ka qaaday kooxda Premier League ka ciyaarta ee uu taageeraha u ahaa carruurnimadiisii.

Jadon ayaa tan iyo xagaagii 2020 lala xidhiidhinayaa kooxda Manchester United isaga oo haatan markale heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxdaas isla markaana kalsooni weyn lagu qabo in markan uu qandaraasku dhici doono.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa dookha koowaad ee xiddigaha uu suuqa ka doonayo ka dhigtay Sancho, Dortmund ayaa lacag 80 Milyan oo pound ah ku xidhay iibkiisa iyada oo dhawaan dalab 67 Milyan oo pound ah diiday.

Sancho oo xilli ciyaareedka dambe ay macquul tahay inuu ka ciyaari doono Old Trafford ayaa shaaca ka qaaday inuu taageere u ahaa carruurnimadiisii kooxda Chelsea.

Sancho ayaa haatan la jooga xulka England isaga oo isku diyaarinaya kulanka Axada ee Euro 2020 ee ay Croatia la ciyaarayaan waxaana la weydiiyay inuu doorto halyeeyga uu xulka ka taageeri jiray markii uu yaraa.

Jadon ayaa sheegay inuu taageere u ahaa Frank Lampard si lamid ah Didier Drogba isla markaana uu carruurnimadiisii wiil Chelsea taageera ahaa.

21 sano jirkan dhalasho ahaan magaalada London kasoo jeeda ayaa yidhi “Halyeeyga England (Ee aan jeclaa miyaa)? waxaan odhan lahaa Frank Lampard, waxaan ahaa taageere Chelsea ah markii aan yaraa, been ma sheegi doono!, Didier Drogba iyo Frank Lampard ayaa ahaa ciyaartoyda dookhayga ah wakhtigaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More