Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa noqday ciyaartoyga ugu wanaagsan ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaana uu ka horreeyaa laacibiinta aad rumaysnayd inay booskaas cidhiidhsanayaan.
Cristiano Ronaldo oo sannadkii 2016 ku guuleystay xiddiga tartankan iyadoo uu qarankiisuna qaatay koobka, ayaa ku jira kaalinta shanaad, taas oo markhaati ka ah in da’du saamayn badan ku yeelatay oo ay kubaddiisu taagan tahay xilligii ay hoos u soconaysay.
Kevin de Bruyne ayaa ah ciyaartoyga labaad ee ugu wanaagsan ee tartanka Euro ka qayb-gelaya, waxaana uu ku xigaa Kylian Mbappe inkasta oo toddobaadkan horraantiisii la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsanaa Ingiriiska xilli ciyaareedkii tegay.
Kaalinta saddexaad ayuu fadhiyaa weeraryahanka Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski oo xilli ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday usoo dhaliyey Munich 48 gool oo dhamaan tartamada ah.
Waxa ku xiga Romelu Lukaku oo Inter Milan u qaaday horyaalka Serie A, kaddibna lagu abaal-mariyey ciyaartoygii sannadka ee Talyaaniga. Ronaldo ayaa soo galay kaalinta shanaad.
Qiimayn lagu sameeyey ciyaaryahannada ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ayaa waxa lagu soo xulay 100ka xiddig ee ugu wanaagsan, kuwaas oo 60 ka mid ah aanu hore idiinku soo gudbinay.
Halkan kaga bogo 100ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan oo dhamaystiran:
100. Kingsley Coman | France
99. Leonardo Bonucci | Italy
98. Teemu Pukki | Finland
97. Goran Pandev | North Macedonia
96. Artem Dzyuba | Russia
95. Milan Skriniar | Slovakia
94. Marcos Llorente | Spain
93. Giorgio Chiellini | Italy
92. Ruslan Malinovskiy | Ukraine
91. Tomas Soucek | Czech Republic
90. Peter Gulacsi | Hungary
89. Rodri | Spain
88. Ivan Perisic | Croatia
87. David de Gea | Spain
86. Burak Yilmaz | Turkey
85. Alexander Isak | Sweden
84. Manuel Locatelli | Italy
83. Jude Bellingham | England
82. Harry Maguire | England
81. Marcel Sabitzer | Austria
80. Alvaro Morata | Spain
79. Jordan Henderson | England
78. Aaron Ramsey | Wales
77. Caglar Soyuncu | Turkey
76. Declan Rice | England
75. Kasper Schmeichel | Denmark
74. Xherdan Shaqiri | Switzerland
73. Ferran Torres | Spain
72. Lucas Hernandez | France
71. Pepe | Portugal
70. Kieran Tierney | Scotland
69. Dejan Kulusevski | Sweden
68. Hugo Lloris | France
67. Oleksandr Zinchenko | Ukraine
66. Granit Xhaka | Switzerland
65. Pedri | Spain
64. Merih Demiral | Turkey
63. Axel Witsel | Belgium
62. Alessandro Bastoni | Italy
61. Olivier Giroud | France
60. Fabian Ruiz | Spain
59. Diogo Jota | Portugal
58. Youri Tielemans | Belgium
57. Lorenzo Insigne | Italy
56. Ousmane Dembele | France
55. Dries Mertens | Belgium
54. Kai Havertz | Germany
53. Mateo Kovacic | Croatia
52. Georginio Wijnaldum | Netherlands
51. Jack Grealish | England
50. Leroy Sane | Germany
49. Federico Chiesa | Italy
48. Joao Felix | Portugal
47. Leon Goretzka | Germany
46. Sergio Busquets | Spain
45. Memphis Depay | Netherlands
44. Timo Werner | Germany
43. Jordi Alba | Spain
42. Ciro Immobile | Italy
40. Mason Mount | England
39. Gianluigi Donnarumma | Italy
38. Hakan Calhanoglu | Turkey
37. Gareth Bale | Wales
36. Andrew Robertson | Scotland
35. Nicolo Barella | Italy
34. Bernardo Silva | Portugal
33. Raheem Sterling | England
32. Christian Eriksen | Denmark
31. Aymeric Laporte | Spain
30. Serge Gnabry | Germany
29. Antoine Griezmann | France
28. Manuel Neuer | Germany
27. Ruben Dias | Portugal
26. Luka Modric | Croatia
25. Ilkay Gundogan | Germany
24. David Alaba | Austria
23. Marco Verratti | Italy
22. Phil Foden | England
21. Matthijs de Ligt | Netherlands
20. Thibaut Courtois | Belgium
19. Thomas Muller | Germany
18. N’Golo Kante | France
17. Jadon Sancho | England
16. Bruno Fernandes | Portugal
15. Eden Hazard | Belgium
14. Thiago Alcantara | Spain
13. Marcus Rashford | England
12. Frenkie de Jong | Netherlands
11. Raphael Varane | France
10. Paul Pogba | France
9. Toni Kroos | Germany
8. Karim Benzema | France
7. Harry Kane | England
6. Joshua Kimmich | Germany
5. Cristiano Ronaldo | Portugal
4. Romelu Lukaku | Belgium
3. Robert Lewandowski | Poland
2. Kevin De Bruyne | Belgium
1. Kylian Mbappe | France