Waqtiga Manchester United Ku Dhawaaqayso Heshiiska Jadon Sancho Oo

Manchester United ayaa kordhisay lacagta ay ku doonayso xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ahayd £67 milyan oo Gini kaddib markii ay Borussia Dortmund soo diiday, waxaanay wararku sheegayaan in kooxda reer Germany ay dalbanayso £77.5 milyan oo Gini.

United oo heshiis shaqsi ah lasii gaadhay Sancho ayaa ku qanacday in lacagta Dortmund ay dalbanayso ay bixiso, laakiin qayb ka mid ah ay ahaato mid ku xidhan bandhigga ciyaartoyga, halka kooxda reer Germany ay iyaduna doonayso in lacagtan ay ahaato kaash oo waliba ay la socoto lacago kale oo ku xidhnaada guulaha uu la gaadho Red Devils.

Inkasta oo kala fogaan aan badnayn ay u dhaxayso labada kooxood oo wax aan ka badnayn £10 milyan oo Gini ay isku hayaan, waxa kalsooni lagu qabaa in ay heshiis gaadhi doonaan maalmaha soo socda.

Heshiiska shaqsiga ah ee Manchester United ay la gaadhay Jadon Sancho ayaa waxa uu soconayaa muddo shan sannadood ah, toddobaadkiina waxa uu mushahar ahaan u qaadan doonaa £350,000 Gini, taas oo ka dhigaysa ciyaartoyga labaad ee  Red Devils ugu mushaharka badan, isagoo ku xigaya David De Gea.

Sancho ayaa waqtigan diiradda saaraya ciyaaraha qaramada Yurub ee xulka qarankiisa England uu qaybta ka yahay, waxaana marka uu soo dhamaado tartankaas ee ay nasiibkooda ka qaadaan uu usoo xidh-xidhan doonaa dhinaca Old Trafford.

“Anigu dhab ahaantii ma eego waqtigan {wararka la xidhiidha ka tegistiisa Man United}. Inta xagaaga waxa aan kaliya naftayda ku jeediyey xulka qaranka sababtoo ah waxa ugu muhiimsan ee aan samayn karo ayaa sidaas ah.” Ayuu yidhi mar wax laga weydiiyey arrintan, waxaanu ku daray: “Mar kasta oo aan garoonka ku jiro, waxa aan isku dayaa inaan sameeyo wax kasta, iyo in aan abuuro wixii karaankayga ee goolal ama caawin ah, mar kastana si adag ayaan ugu shaqeeyaa kooxda.”

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in Manchester United ay heshiiska Jadon Sancho si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More