Kevin de Bruyne Iyo Xiddig Kale Oo Muhiim Ah Oo Ka Maqan Belgium
Xulka qaranka Belgium ayaa xaqiijiyey in kulankooda ugu horreeya tartanka qaramada Yurub ee Euro ee Sabtida ay la ciyaari doonaan Ruushka ay ka maqnaan doonaan laba ciyaartoy oo laf-dhabar ah.
- Advertisement -
Kevin de Bruyne oo dhaawac kasoo gaadhay finalkii Champione League ee Man City iyo Chelsea ayaa horeba loosii sheegay inuu seegayo kulanka ugu horreeya ee Belgium ku furanayo ciyaaraha Yurub, waxaana soo raacaya Axel Witsel oo khadka dhexe oo isaguna aan qayb ka noqonin safarka waddankiisu ku tegay Ruushka.
De Bruyne ayaa kasoo kabtay jabniin kasoo gaadhay sanka iyo lafta isha agteeda qaybta hore ee intii ay socotay ciyaartii finalka Champions League ee Man City iyo Chelsea, waxaanu kusoo laabtay tababarka, hase yeeshee wali taam uma noqonin ciyaarta ugu horreysa in uu dheeli karo.
Witsel ayaa sidoo kale dhaawac ahaa tan iyo bishii January oo aanu kooxdiisa Borussia Dortmund u ciyaarin, laakiin waxa uu kusoo laabtay tababarka iyadoo uu tababare Roberto Martinez ku qancay in laacibkani uu qayb libaax ka qaadan doono tartanka Yuuro.
Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee xulka qaranka Belgium ayaa lagu ydihi: “Axel Witsel iyo Kevin de Bruyne uma safrin Ruushka, waxaanay joogayaan Tubize si ay usii wadaan soo kabashada.”
Belgium oo ku jira Group B, ayaa waxay Sabtida la ciyaarayaan Ruushka oo ay ugu tegayaan magaalada St. Petersburg, waxaana ugu xigaya Denmark oo ay marti ugu noqon doonaan Copenhagen maalinta Khamiista.