MUHIIM: Lionel Messi Oo Aan Dhammaysan Doonin Heshiiskiisa Barcelona &

Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa la filayaa inuu heshiis cusub oo shan sano ah u saxeexo Barcelona balse warar cusub ayaa sheegaya inuu kaliya laba sano oo kale sii joogi doono Camp Nou.

Messi ayaa koox la’aan ahaa 17 maalmood kaddib markii heshiiskiisii Barcelona uu dhacay 30-kii bishii June. Leo ayaa kasoo caawiyay dhawaan dalkiisa inay kusoo guuleystaan Copa America oo u noqonaya isaga koobkiisii ugu horreeyay ee caalami ah.

Messi ayaa sanadkii hore si xoogan loola xidhiidhinayay kooxda kusoo guuleysatay Premier League ee Manchester City iyo kooxda ree France ee Paris Saint-Germain.

34 sano jirkaas ayaa u sheegay Barcelona inuu doonayo bixitaan sanadkii 2020 balse wakhtigaas ayuu suurogalnimada uu ku baxayo xanibay madaxweynihii wakhtigaas ee Josep Maria Bartomeu.

Kusoo laabashada jagada madaxweynenimo ee Barcelona ee Joan Laporta ayaa sababtay inuu Messi markale mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda iyadoo ay dhawaan soo baxeen wararka sheegaya inuu qandaraas shan sano ah qalinka ku duugayo.

Si kastaba, khabiirka kubadda cagta Yurub ee Julien Laurens ayaa sheegaya inay u badantahay in Messi kooxda ka tagi doono xagaaga 2023.

Mushaharka heshiiska cusub ee Messi ayaa ah kala badh wixii uu hore kooxda uga qaadan jiray balse Laurens ayaa sheegaya inay yihiin uun laba sano mushaharkood oo ay Barca shan sano ku kala siinayso.

Laurens ayaa sheegaya in ay u badantahay in Messi uu tagi doono horyaalka Maraykanka ee MLS waxaana loo badinayaa kooxda uu mulkiyadeeda leeyahay David Beckham ee Inter Miami.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More