Memphis Depay Oo Maanta Ka Degay Barcelona, Ereyadii U Horreeyey Ee Ka

Memphis Depay ayaa ku tiraabay inuu aad u xiisaynayo loollanka iyo safarkiisa nolosha xilli uu maanta gaadhay magaalada Barcelona oo uu kaga biirayo kooxdiisa cusub.

Weeraryahanka reer Netherlands ayaa Barcelona u saxeexay laba sannadood oo heshiis ah horraantii xagaagan isagoo si bilaash ah ugu biiray, waxa se dib u dhigay tartankii qaramada Yurub ee uu dalkiisa kala qayb-galay, waxaanu ugu dambayn gaadhay kooxdiisa cusub Isniintii maanta.

27 jirkan oo uu soo dhamaaday qandaraaskiisii Lyon ayaa go’aansaday in aanu kusii negaanin Faransiiska ee uu tago Spain, kana garab ciyaaro Lionel Messi.

Muuqaal uu iska soo duubay oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ayaa uu ku sheegay inuu soo gaadhay kooxdiisa cusub, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay loollanka cusub iyo safarka cusub. Waxa aan rajaynayaa inaan si degdeg ah iskugu aragno garoonka.”

Memphis Depay ayaa ku biiray hubk culus ee weerarka Barcelona ee Lionel Messi, Antoine Griezmann, Ousmane Dembele, Martin Braithwaite iyo Sergio Aguero.

Dhinaca kale Barcelona ayaa waajahaysa caqabad sababi karta in loo diiwaangelin waayo Memphis Depay iyo saxeexyada cusub illaa ay 40 boqolkiiba dhinto mushaharka ciyaartoydeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More