U bood qoraalka
Sunday, October 25, 2026 13 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 27°C
Deg-deg: Dab ayaa baabi’iyay hoygii martida ee Hitler, oo loo yaqaan ‘Buulka Gorgorka’
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Man City Oo Dhameystirtay Saxiixa Daafac Adag Oo Ay 62

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
axadle_deg_deg

Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca reer Portugal, Ruben Dias oo ay 62 milyan ginni uga soo iibsadeen kooxda Benfica.

23 jirkaan daafaca dhexe ayaa u saxiixay kooxda Manchester City heshiis lix sannadood ah isagoo kooxda ku negaanaya ilaa iyo xagaaga 2026.

- Advertisement -

Ruben Dias ayaa noqonaya saxiixii seddexaad ee tababare Pep Guardiola uu sameeyo xagaagan ka dib Ferran Torres iyo daafaca kale Nathan Ake.

Dias ayaa in ka badan 100 kulan u saftay kooxdas Benfica mudadii seddexda xilli ciyaareed ee uu joogay.

Wuxuu kooxda ka dhisan magaalada Lisbon la qaaday koobka horyaalka Portugal xilli ciyaareedkii 2018-19, isagoo 19 jeer u dheelay xulka qaranka Portugal.

Xiddigaan ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah daafacyada ugu adag Yurub, isagoo sheegay in go’aankii uu ugu biiray Man City uu ahaa mid sahlan madaama uu dareemayo in Man City ay tahay koox uu horumar ku sameyn karo.

“Inaan helo fursad ah inaan ku biiro koox sida Manchester City ah waxay ii tahay fursad fantastik ah, mana diidi karin” ayuu yiri.

“Guulaha ay gaareen ayaa u hadlaya. Waxay ahaayeen koox heysatay England sannadihii ugu danbeeyay iyagoo ciyaara kibad weerar ah oo ku haboon ciyaarteyda.”

Daafaca reer Argentina ee Man City Nicolas Otamendi ayaa qeyb ka ah heshiiska uu Ruben Dias ku yimid Man City iyadoo Otamendi uu ku biiray kooxda reer Portugal ee Benfica.

Ruben Dias ayaa u xiran doona kooxda Manchester City maaliyada No.3

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes