Garooma Ayuu Yimid Mucjisada Reer Japan Ee Pipi Ee Maanta &
Takuhiro Nakai oo loo yaqaano magaca gaaban ee ‘Pipi’, waa laacib aad loo qiimeeyo oo u dhashay waddanka Japan oo kasoo dhex muuqday tababarka kooxda koowaad ee Real Madrid labadii maalmood ee ugu dambeeyey, waxaana markii u horreysay ay Jamaahiirtu muuqaalkiisa ka arkeen Isniintii isagoo tababare Zinedine Zidane siinaya tilmaamaha tababarenimo isaga oo dhex taagan ciyaartoyda kale ee kooxda.
- Advertisement -
Laacibkan khadka oo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa waxa uu Real Madrid kusoo biiray markii ay da’diisu ahayd 9 jir, waxaana uu kasbaday inuu is-tusiyo tababare Zidane oo uga faa’iideeyey inuu fursad ka siiyo tababarka xilli ay ciyaartoyda waaweyni maqnaayeen.
Takuhiro Nakai ‘Pipi’ ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan ku diiwaangashan yahay kooxda heerka labaad ee Juvenil B ee Real Madrid ee ay da’doodu ka hoosayso 18 jirrada, waxaana la filayaa inuu sidoo kale la ciyaaro kooxda 19 jirrada ee Juvenil A, iyadoo sidoo kalena la sheegayo inuu qayb ka noqon doono Real Madrid Castilla oo Raul Gonzalez uu tababare u yahay.
Laakiin kooxda waaweyn ee Zidane ayuu tababarka lasii qaadanayay inta ay fasaxa ku maqan yihiin laacibiinta waaweyn ee Real Madrid ee xulalkooda looga yeedhay.
16 jirkan ayaa ah da’yar xirfad badan oo khadka dhexe ah, soona muujiyey sannadihii badnaa ee uu Real Madrid usoo ciyaaray inuu leeyahay tayadii iyo awooddii ciyaareed ee uu wacdaraha kaga dhigi lahaa Santiago Bernabeu, taas oo ay u dheer tahay qaab dhismeed jidheed oo xataa isaga oo da’yar uu kula loollami karayo ciyaartoyda waaweyn.
Sannadihii ugu dambeeyey, waxa booska uu inta ugu badan ka ciyaaray ee xirfaddiisuna sida qaangaadhka oo kale ugu soo baxday ay ahayd khadka dhexe ee weerarka xigta oo uu kubbad-samayn, caawin iyo gool dhalinba ku leeyahay, taas oo keentay in Raul iyo Zidane uu indhahooda soo jiito.
Mucjisadan yar ayaa la sheegay in uu doonayo inuu qaado raadka laacibka ay u wada dhasheen Japan ee ay Real Madrid ka wada tirsan yihiin ee Takefusa Kubo oo ah 19 jir waqtigan amaah ugu maqan Villarreal kaddib sannad uu wacdaro ka dhigay Real Mallorca oo uu amaah ugu ciyaaray. Pipi ayay durba ka muuqdaan heerka indheer-garadnimada ciyaareed, waxaana dul taagan wakiillada ugu caansan oo doonaya inay heshiisyo la galaan si ay mustaqbalkiisa ugu go’aamiyaan oo ay iyaguna lacago ka helaan.