Cristiano Ronaldo, Dybala, Bonucci Iyo Xiddigaha Juventus Oo

Xiddigaha kooxda kubadda cagta Juventus ayaa dhamaantood la geliyey karantiil, loomana ogolaanayo in ay cid kale oo bannaanka la kulmaan kaddib markii Fayraska Korona laga helay mid ka mid ah ciyaartoyda.

Juventus oo toddobaadka dambe la ciyaari doonta Barcelona kulanka koobka ah ee Joan Gamper Trophy ayaa waxa dhamaan ciyaartoyda looga shakisan yahay in uu fayrasku ku dhacay maadaama uu ku dhex jiray Hamza Rafia oo laga helay fayraska.

Ciyaaryahanadda ayaa loo ogolaaday in ay sii wadan  karaan tababarka oo ay ku qaataan xaruntooda Continassa, laakiin looma ogola in midkoodna uu idbedda u baxo, waxaanay illaa inta ay soo baxayaan baadhitaanno kale oo la samaynayo ay ku jiri doonaan karantiil.

Rafia ayaa isaga gaar looga dhex-saaray ciyaartoyda kooxda, iyadoo uu gelayo toban maalmood oo is-go’doomin ah.

War-saxaafadeed ay Juventus soo saartay ayay ku sheegtay in dhamaan ciyaartoydeedu ay marayaan hab-raaca sharci ee Talyaaniga ee xakamaynta Fayraska Korona.

“Kooxda kubadda cagta Juventus waxay shaacinaysaa in Hamza Rafia laga helay Koofid-19, isla markaana ay u hoggaansamayso sharciga iyo heshiisyada maamulada hoose ee caafimaadka. Kooxda ayaa dhamaanteed gelaysa karantiil laga bilaabo maanta.” Ayay Juventus ku tidhi war-saxaafadeedkeeda.

Juventus waxa kale oo ay sheegtay in karantiilka ay kusii jiri doonaan ciyaartoydu illaa inta baadhitaano kale oo laga qaadayo ay u muujinayaan bad-qab laakiin haddana ay tababarka sii wadan doonaan.

Barcelona iyo Juventus ayaa August 8 waxay garoonka Camp Nou ku ciyaari doonaan kulan final ah oo ay kala qaadi doonaan Koob, waxaana la filayaa in Cristiano Ronaldo uu ka hor tago kooxdan xilli uu Lionel Messi ka maqan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More