Midowga Musharixiinta oo Walaac Ka Muujiyay

Midowga Musharaxiinta Hogaamiyaha Soomaaliya ee 2021, oo walaac ka muujiyey xaalada amni ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay si diiran u soo dhaweynayaan shirka dhowaan dowladda Federaalka iyo maamulada dalka uga socda magaalada Muqdisho.

Shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka, iyadoo la dhaqan gelinayo heshiiskaas 17-kii Sebtember 2020.

Bayaan ay soo saareen Arbacadii, waxay ku muujiyeen saddex shuruudood oo ay sheegeen inay muhiim tahay in la hubiyo ka hor intaan taageero buuxda la siinin wadahadallada.

Shuruudaha la soo bandhigay ayaa kala ah; inuu noqdo mid loo dhan yahay, in la xakameeyo awooda madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo in la helo natiijo guud.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in guushu dhowdahay, haddii Eebbe idmo, dalkuna uu aadayo doorashooyinka oo uu yeelanayo hoggaan cusub .

“Waa wax aad looga xumaado in looga baxo Muqdisho amni darada awgeed uusan la kulmi karin madaxweynaha waqtigii uu hogaaminayay xaqiijinta soo laabashada,” ayaa lagu yiri qoraalka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More