GAROOWE — Golaha Wakiillada Puntland State ayaan ku guuleysan inay meelmariyaan wax-ka-beddel lagu sameynayay Dastuurka, kaas oo jidka u xaari lahaa in sanadka 2029-ka deegaannada maamulkaas laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo shacabku si toos ah ugu soo xushaan mudaneyaasha baarlamaanka.
Fadhigan oo ay soo xaadireen 58 xildhibaan, ayaa wax ka beddelka waxaa ogolaaday 40 mudane, iyadoo 16 xildhibaanna ay diideen. Natiijadaas darteed, mooshinka ayaa buuxin waayay aqlabiyaddii xeerku dhigayay oo ahayd ugu yaraan 44 cod, taasoo keentay inuu meelmar noqon waayo.
Xubnaha gaashaanka ku dhuftay hindisaha dastuuriga ah ayaa ka koobnaa siddeed xildhibaan oo laga soo doorto gobolka Sool, afar ka socota Nugaal, saddex laga soo xulay Bari iyo hal xildhibaan oo ka yimid gobolka Mudug.
Go’aankan ayaa muujinaya in isbeddelka la doonayay lagu waayay tiradii loo baahnaa, waxaana go’aan laga gaaristiisa dib loogu riixay kulamada dambe ee uu goluhu yeelan doono.
Qodobada la horkeenay xildhibaannada ayaa udub-dhexaad u ahaa qaab-dhismeedka doorashooyinka Puntland State, iyadoo hadafku ahaa in codbixinta sanadka 2029-ka loo wareejiyo habka qof iyo codka, si codbixiyayaashu xaq ugu yeeshaan inay gacantooda ku soo doortaan xildhibaannada matalaya.
Tallaabadan lagu mari waayay ansixinta ayaa cirka ku shareertay loollanka iyo doodaha siyaasadeed ee ku xeeran doorashada 2029, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay weli si weyn ugu kala aragti duwan yihiin qaabka loo soo dhisayo aqalka wakiillada.
Qaybo ka mid ah saamileyda siyaasadeed ayaa ku doodaya in lagu negaado habkii hore ee kuraasta lagu soo xuli jiray odayaasha dhaqanka iyo saxiixyadooda, iyagoo ka soo horjeeda in xilligan la aado doorasho toos ah oo shacabku wakiilladooda ku soo xulanayaan.
Guud ahaan, natiijada codbixintan ayaa daaha ka feydeysa kala qaybsanaanta baaxadda leh ee ka dhex jirta mudaneyaasha Golaha Wakiillada, taas oo la xiriirta mustaqbalka nidaamka xukunka iyo jiheynta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Puntland State.
AXADLETM