Dagaal ismiidaamin ku bilowday oo ciidamada

Afgooye (Axadle) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii hore weerar culus  oo ku bilowday isqarxin kusoo qaaday saldhigga ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib oo dhinaca koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa dhawaqa rasaasta laga maqlayey gudaha magaalada…

Daalibaan oo bilawday baadi-goobka dadkii u

Kabul (Axadle) – Kooxda Daalibaan ayaa bilowday baadi-goobka dadkii u shaqeyn jiray ciidamada NATO iyo xukuumaddii hore ee Afgaanistaan sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kooxda Daalibaan ay guri kasta ka baadi goobeyso si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka u shaqeyn jiray isbaheysigii weerarka ku qaaday Afgaanistaa. Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdaan ay hanjabaad u direyso dhammaan…

Imaaraadka oo u cararay Erdogan kadib markii

Ankara (Axadle) – Kadib bilo wada-xaajoodyo sir ah, iyo wada-hadallo taleefon oo heer sare, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Tahnoun bin Zayed al Nahyan ayaa Arbacadii Ankara kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ay cadow u aragtay Abu Dhabi. Shantii sano ee ugu dambeysay, Ankara ayaa si shaacsan ugu eedeyneysay Imaaraadka Carabta inay maal-geliyeen afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii. Hase yeeshee kulankii…

Sawirro: Dadka Turkish-ka ah ee Muqdisho jooga oo

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.  Farmaajo ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda…

Diblomaasiyadda Rooble iyo dibna qaniinka FARMAAJO

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Masar Moustafa Madbouli kula kulmay August 17, 2021 magaalada Qahira. Socdaalka Rooble ayaa ku soo beegmay xilli la gudaggalay doorashooyinkii aqallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS).  Masar waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreyey ee aqoonsada dowladnimada Soomaaliya una fidiyey taageero cilmi iyo ciidanba leh. Maanta waxay raadinaysa inay dib u…

Maamulka gobolka Hiiraan oo shaaciyey inuu

Beledweyne (Axadle) – Guddiga amniga ee gobolka Hiiraan ayaa maanta soo saaray amaro culus oo la xiriira amniga magaalada Beledweyne, oo ay shaaciyeen inay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka Soomaaliya. Guddiga oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa isla qaatay in cidkasta oo lagu ogaado inay la macaamisho Al-Shabaab loo aqoonsan doono inay qeyb ka yihiin kooxdaas,…

Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho iyo R/W

Muqdisho (Axadle) — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyey xiliga uu qabsoomayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dib u dhac ku yimid. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wsaaraha ayaa lagu iclaamiyey in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu si rasmi ah uga furmayo Afisyoone maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 21-ka Agoosto, 2021. Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa…

COLDOON oo xabsiga loogu taxaabay kiisas xasaasi

Hargeysa (Axadle) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in goordhoweyd ciidamada Gobaladda Waqooyi ay xabsiga u taxaabeen Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah suxufi ku caan baxay arrimaha samafalka. Sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimda Online, Cabdimaalik Coldoon ayaa waxay ciidamada booliska Gobaladda Waqooyi ka soo xireen xili uu ku sugnaa xafiiskiisa gaarka ah ee magaalada Burco. Wararka ayaa intaas kusii daraya in…

Muxuu madaxweyne Erdogan ka yiri guusha iyo

Ankara (Axadle) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa soo dhoweeyey hadalladii kasoo yeeray kooxda Taalibaan ee ay ku ballan-qaadeen inaysan dib ugu laaban doonin xukunkoodii mayalka adkaa. Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Turkey ay diyaar u tahay wada-shaqeyn dhexmarta ayaga iyo Taalibaan. “Waxaan u furannahay iskaashi. Waxay horey u xiiseynayeen xiriirka Turkey, waxaana rajeynayaa in xiisahaas uu sii socdo,” ayuu…

Wararkii ugu dambeeyey weerar dhimasho leh oo ka

Dhuusamareeb (Axadle) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kadib markii ay jidka u galeen gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad raydi ah. Baabuurka ayaa waxaa la rasaaseeyey xilli uu kasoo baxay magaalada Balanballe, kuna sii jeeday deegaanka Balli-Dhiig oo dhaca dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay…