Muqdisho (Axadle) – Waxaa lasoo saarat habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, shuruudaha, warqada anshaxa musharaxiinta u tartami doona Aqalka Sare iyo Akoon Bangi uu musharaxu ku shubayo Khidmada lacageed ee 20,000 oo dollar ah.
Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal ayaa lagu yiri, “Guddigu waxa uu la wadaagayaa codsi qoraal ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay u soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta, si waafaqsan shuruudaha…