Wiilka Ahmed Shah Massoud oo ku dhowaqay dagaal ka

Kabul (Axadle) – Wiilka hoggaamiyihii ugu caansanaa ee la dagaalamay Taalibaan ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska caabin wax ku ool ah, balse wuxuu Mareykanka ugu baaqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiyadiisa. Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Washington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri “Mareykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa dimoqraadiyadda,” isaga oo taageeraya maleeshiyadiisa. “Waxaan maanta kasoo…

Dowladda Sacuudiga oo u yeertay ROOBLE iyo madax

Muqdisho (Axadle) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay golaha wada-tashiga qaranka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan Rooble iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka ay tegi doonaan magaalada Riyadh ee axadle wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay…

Dadweyne careysan oo dibad-bax ka dhigay Muqdisho

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ay dhigeen dadweyne ka careysnaa dadkii ay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dadweynahan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taalada Daljira Daahsoon oo ku yaalla degmada Boondheere, waxayna wateen boorar lagu soo xardhay eradyo ka dhan ciidamada AMISOM, sida dil gar-darro ah dooni meyno, xasuuq…

Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Somalia

Muqdisho (Axadle) – Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hay’adda USAID ayaa sheegtay in lacag malaayiin dollar ah ay ugu deeqday Soomaaliya, taas oo loo soo marin doono sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF qeybteeda Soomaaliya. USAID ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaasi ay tiro ahaan gaareyso illaa $20 milyan oo dheeraad ah, isla-markaana qeyb ka ah kaalmaha la siinayo dowladda Soomaaliya. Sidoo kale hay’adda hay’adda USAID ayaa warbixinteeda…

DAACISH oo weerar ku dishay mas’uul ka tirsanaa

Boosaaso (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay xalay dabley ka tirsan kooxda Daacish ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, kaas oo lagu dilay mas’uul sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka lagu dilay weerarka uu ahaa guddoomiyihii degmada Balli-Dhidin ee gobolka Bari, kaas oo ay khaarijiyeen xubno ka tirsan kooxda Daacish. Marxuumka ayaa waxaa lagu…

Maxaa keenay dib u dhaca ku yimid shirka golaha

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa qorshuhu ahaa in maanta oo ku beegan 19-ka August ka furmo shirka golaha wada-tashiga qaran, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Dib u dhaca ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku aaday dalka Masar oo uu illaa hadda iyo ku maqan yahay. Sidoo kale waxaa weli Axadle soo gaarin madaxda kale ee…

Biden oo si lama filaan ah u sheegay in Mareykanka

Washington (Axadle) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii joogi karaan wixii ka dambeeya 31-ka August, oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee ay qabsadeen inay uga baxaan, haddii ay lagama maarmaan u noqoto in dhammaan dadka Mareykanka laga soo saaro dalkaas. “Dadka Mareykanka waa inay fahmaan inaan isku dayi dooonno inaan soo dhameystirno kahor 31-ka August. Haddii ay muwaadiniin Mareykan ah ay baaqi kusii…

Erdogan oo soo faro-geliyey dagaalka Tigray –

Ankara (Axadle) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii yaboohay inuu gacan ka gaysto inuu dhex-dhexaadiyo sidii loo soo geba-gebeyn lahaa dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia. Erdogan ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegay Ankara “inay muhiim u tahay nabadda iyo sharafta” dalka ay dagaallada la degeen ee Ethiopia. “Haddii ay xaaladda sii xumaato, waxay saameyneysaa dhammaan dalalka…

Madaxweyne Musaveni oo qirtay in askartiisa ay

Kampala (Axadle) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Musaveni ayaa markii u horeysay qirtay in askartooda howl-galka AMISOM u jooga Soomaaliya ay dhawaan dad rayid ah ku dileen gudaha Shabeellaha Hoose. Musavani ayaa sheegay in ciidamadu ay dilka geysteen xili ay careysnaayeen, isagoona shaaciyey in la xiray askartii dilka geysatay, islamarkaana dacwad lagu soo oogi doono, sida uu sheegay. “Dhawaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil…

Maxay tahay eedeynta ay AMNESTY u jeedisay DFS? –

Muqdisho (Axadle) – Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Cilmi baaris cusub oo ay soo saaartay waxay ku sheegtay, Faafida Covid-19 ee Soomaaliya in ay iftiimisay baahida loo qabo in si deg-deg ah wax looga qabto arrimaha halista ah ee soo jireenka ah ee horyaalla nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya. Warbixinta oo ciwaan looga dhigay “Waxaan daawanay bukaanadii Covid-19 oo dhimanaya” ayaa banaanka keentay sida uu u…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More