Skip to content
Saturday, June 20, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: Macron blasts U.S. for forsaking allies and breaking international rules
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

Saved stories

Somalia

Analysis of Vice President’s Remarks on Puntland State Leadership Responsibility

Puntland iyo Masd’uuliyadda Hoggaanka: Falanqayn ku saabsan hadalkii madaxweyne-ku-xigeenka
Analysis of Vice President’s Remarks on Puntland State Leadership Responsibility

By: Yusuf Said HersiSaturday June 20, 2026

Hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland State ayaa kiciyey doodo siyaasadeed oo ballaaran, isla markaana noqday mowduuc si weyn loogu falanqeeyo goobaha siyaasadda. Wuxuu yiri: “Cid kasta oo masuul ka ah Puntland State Meesha uu joogo waa in uu ka taliyaa, kana hor yimaadaa mucaaradka; haddii  uu taas awoodi waayana waa in uu isaga tagaa masuuliyadda.”

Erayadaas, marka si togan loo eego, waxay xambaarsan yihiin fariin ku saabsan isla xisaabtanka iyo masuuliyadda hoggaamineed. Masuul kasta oo xil haya waxaa laga sugayaa inuu helo kalsoonida bulshada uu metelo, isla markaana uu difaaco nidaamka iyo jiritaanka maamulka uu ka tirsan yahay. Laakiin marka hadalkaas lagu cabbiro xaaladda siyaasadeed ee Puntland State maanta, waxaa soo baxaya su’aalo culus oo aan sahal looga gudbi karin.

Gobolka Karkaar iyo Su’aasha Hoggaanka

Gobolka Karkaar ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay lagu tilmaamay meel ay ka muuqdaan aragtiyo mucaaradnimo oo xoog leh. Waxaa intaas dheer in Madaxweynaha Puntland State uu ka soo jeedo isla gobolkaas.

Haddii mabda’a uu Madaxweyne-ku-xigeenku shaaciyey si dhab ah loo qaato, waxaa markiiba isweydiin mudan:

Madaxweynaha Puntland State ma awoodi karaa inuu wax ka qabto mucaaradka ka jira deegaanka uu ka soo jeedo?

Haddii jawaabtu noqoto haa, waxa la filan karaa tallaabooyin lagu xoojinayo is-afgarad iyo wada-shaqayn gudaha gobolka. Haddii ay noqoto maya, markaas hadalka Madaxweyne-ku-xigeenka wuxuu marka hore culayskiisu saarnaanayaa hoggaanka ugu sarreeya ee maamulka.

Nugaal iyo Mas’uuliyadda Wasiirada iyo Xildhibaanada

Gobolka Nugaal wuxuu muddo dheer ahaa xarunta siyaasadeed iyo maamulka Puntland State. Waa halka ay ku taallo caasimadda maamulka, sidoo kalena waa meesha ay Puntland State ka bilaabatay.

Si kastaba ha ahaatee, Nugaal sidoo kale kama madhna aragtiyo iyo kooxo mucaarad ah.

Haddaba, haddii mas’uul kasta lagu miisaamayo sida uu u xakameyn karo mucaaradka ama u kasban karo taageerada shacabka, masuuliyadda Nugaal waxay si gaar ah u saaran tahay wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda ka soo jeeda gobolkaas.

Su’aashu waxay tahay:

Wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda Nugaal ma yareyn karaan kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee gobolka?

Jawaabta arrintaas ayaa noqonaysa imtixaanka ugu cad ee lagu qiyaasi karo sida hadalkii Madaxweyne-ku-xigeenka u dhaqan geli karo.

Mudug iyo Doorka Wasiirrada iyo Xildhibaannada

Gobolka Mudug isna wuxuu ka mid yahay gobollada ugu miisaanka culus Puntland State. Waa gobol leh saameyn siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo muuqata.

Waxaa gobolka laga dareemayaa codad mucaaradnimo, taasoo culays gaar ah saaraysa wasiirrada, xildhibaannada iyo masuuliyiinta kale ee deegaanka ka soo jeeda.

Marka hadalka Madaxweyne-ku-xigeenka la raaco, waxaa soo baxaya su’aalo kale:

Mas’uuliyiinta Mudug ma heli karaan taageero buuxda oo ka timaadda shacabka gobolka? Mise mucaaradku wuxuu ahaanayaa xaqiiqo siyaasadeed oo aan laga tallaabsan karin?

Hadalka Madaxweyne-ku-xigeen iyo Xaqiiqada siyaasadda

Runtii, nidaamka dimuqraadiga ah wuxuu aqoonsan yahay jiritaanka mucaaradka. Mucaaradku mar walba ma aha calaamad muujinaysa fashil hoggaamineed, balse wuxuu noqon karaa qayb caafimaad qabta oo ka mid ah nolosha siyaasadeed.

Sidaas darteed, su’aasha muhiimka ah ma aha in mucaaradku jiro iyo in kale; balse waa:

•    Ma jiraa wada hadal siyaasadeed?•    Ma jirtaa kalsooni ka dhexeysa shacabka iyo dowladda?•    Ma awoodaan masuuliyiintu inay kasbadaan taageerada shacabka iyagoo adeeg iyo hoggaan muuqda bixinaya?

Haddii jawaabahaasi noqdaan kuwo togan, jiritaanka mucaaradku ma wiiqayo xasilloonida maamulka.

Puntland State: Aasaas iyo Mustaqbal

Puntland State waxay ka dhalatay gobolka Nugaal, balse muddo dheer waxay ku tiirsanayd taageerada iyo ilaalinta gobollada kale, gaar ahaan Karkaar.

Taariikh ahaan, isku-duubnida gobollada Puntland State ayaa ahayd tiirka ugu weyn ee lagu ilaalinayey jiritaanka maamulka.

Haddii maanta khilaafaadka siyaasadeed, shakiga isa soo taraya iyo loollanka awooddu ay sii xoogaystaan, waxaa jirta cabsi ah in ay dhaawacaan midnimadii iyo wadajirka Puntland State.

Sidaas darteed, badbaadada Puntland State kuma xirna oo keliya awoodda masuuliyiinta ee ka hortagga mucaaradka, balse waxay ku xirnaan doontaa awooddooda ay shacabka ku mideynayaan, kalsoonida ku dhisayaan, uguna horseedayaan wadajir siyaasadeed.

Gunaanad

Hadalka Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland State wuxuu sido fariin ku saabsan isla xisaabtanka masuuliyiinta. Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta mabda’aas waxay u baahan tahay in lagu dabaqo dhammaan heerarka hoggaanka, laga bilaabo Madaxweynaha ilaa wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda kale ee maamulka.

Su’aalaha ka taagan Karkaar, Nugaal iyo Mudug waxay noqonayaan cabbirka ugu weyn ee lagu ogaan karo in hadalkaasi yahay siyaasad dhab ah oo la fulin karo, mise uu yahay hadal siyaasadeed oo u baahan fasiraad iyo dib-u-eegis dheeraad ah.

Puntland State maanta waxay u baahan tahay midnimo, wada-tashi iyo hoggaan bulshada isku keena, si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed loona ilaaliyo jiritaankeeda iyo mustaqbalkeeda.

______________

Yusuf Said Hersi[email protected]