Browsing Tag

ku

Midowga Afrika oo qiimaynaya codsiga Soomaaliya ee ku aaddan in dib loo dhigo bixitaanka ATMIS

Jimco, Juun, 21, 2024 (AX) - Ururka Midowga Afrika ayaa darsaya codsi uga yimid dowladda Soomaaliya, kaasoo ah in la dhimo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in bishii May ee sannadkan ay dowladda Soomaaliya ka codsatay golaha nabadda iyo ammaanka ee ururka (PSC) in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo muddada kala bar bixitaanka ciidamada.Xukumadda Soomaaliya waxa ay dooneysaa…

Suldaanka Guud ee Gobaladda Waqooyi oo dagaal ku hanjabay

 Khamiis,  Juun, 20, 2024 (AX) - Dhallinyaro ka gadoodsan xadhiga Cismaan Cumar Dool oo xukuumada Gobaladda Waqooyi ka dhaliila baraha bulshada, ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Hargaysa.Suldaanka Guud ee Gobaladda Waqooyi Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo dhallinyarada la hadlay ayaa ku baaqay in Dool si dhakhso ah loo sii daayo "24 saacadood gudahood hadii ninkaa lagu sii dayn waayo, shaqo kuma lihi wixii ka dhaca".Suldaanku dhanka kale dhallinyarada gadoodsan ayuu u qalbi qaboojiyay isaga oo…

Ciidamada Uganda ee ATMIS oo Milatariga Soomaaliya ku wareejiyay saldhigga Bariire

 Arbaco, Juun, 19, 2024 (AX) - Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in saldhiga Bariire ay ku wareejiyeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya, taasi oo bilow u ah wajigii saddexaad ee dhimista ciidamada.ATMIS waxa ay sheegtay in Saldhigga Milatari oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ciidanka ATMIS gacanta ku hayeen tan iyo 2019, uu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda…

Wasiir Fiqi: Shabaabku muuqaalka ay soo bandhigeen waxay ku qarinayaan daciifnimadooda

 Arbaco, Juun, 19, 2024 (AX) - Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dacaayad la buun buuniyay ku tilmaantay muuqaal laga soo duubay Al-Shabaab, oo ay kusoo bandhigeen dagaalamayaal cusub oo qaatay tababar.Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in muuqaalka kooxdan uu muujinayo, in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab ka beddeleen dagaalyahanno dhab ah una beddeleen jilayaal Hollywood ah.“Waxaan arkay qaar ka mid ah kooxda argagixisada ah oo sameynaya…

Maraykanka oo sheegay in hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish uu si qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya

 Arbaco, Juun, 19, 2024 (AX) - Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika.Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Daacishta Soomaaliya  ay halbowle u tahay isku xirka maaliyadda caalamiga ah, iyo martigelinta hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda.Hogaamiyayaasha ugu sareeya IS waxay u arkaan Afrika meel ay tahay inay…

Waqooyi Bari oo gacanta ku dhigtay taliyihii burcad badeeddii madax furashada ka qaatay markabkii MV Abdalla

Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Askarta booliska Waqooyi Bari ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada Galkacyo, ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre Jowfe oo 38 jir, kaasoo ahaa taliyihii markabka MV Abddalla.Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug…

Waqooyi Bari oo xukunno ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ku eedeysan inay sii daayeen Shabaab iyo Burcad badeed

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Waqooyi Bari ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa shan sano oo xarig ciidan ah.Waxaa lagu eedeeyay inay laaluush ku qaateen sii daynta maxaabiis ah isugu jiray Shabaab iyo Burcad…

Gobaladda Waqooyi oo baaq kasoo saartay dhallinyarada ku eedaysan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa hay'addaha xuquuqal insaanka iyo safaaradaha uu fadhigoodu yahay Muqdisho ugu baaqday in ay ka wardoonaan dhallinyarada Muqdisho ugu xidhan dilka aqoonyahan Cabdinaasir Dahable.Wasiirka Warfaafinta Gobaladda Waqooyi Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' ayaa sheegay in jindil xabsiga loogu gaystay dhallinyarada u xidhay dilka Cabdinaasir Dahable."Dhallinyaradii Xamar inagaga xidhxidhnayd ee dowlada Xamar ay mu'aamaradaysay ee nin kii dhallinyarada ahaa ee la dilay lagu…

Israaiil oo xirtay wiil yar oo dalkeeda u dhashay oo doonayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Booliiska dalka Israaiil ayaa xiray wiil yar oo aan qaan-gaarin oo kasoo jeeda dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya, si uu weeraro uga geysto Israa’iil iyo dibadda.Warbixin uu booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay, in wiilkan yar uu damacsanaa inuu weeraro argagaxiso ka geysto gudaha dalka Israel iyo dalalka kale ee dibadda, isagoo ku biiraya safka ururka Daacish ee Soomaaliya.Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen hay'adaha amniga ee dalkaas,…

Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday Galgaduud

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.Duqeynta dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo watay gaadiid isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa Xamuulka qaado.Howlgalkaan duqeynta ah ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More