Sabti, September, 7, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray inuu magaalada Beijing ee Shiinaha kula kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Wararka aanu helnay waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan madaxweynaha Jabuuti, madaxweynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ay madaxweynaha Soomaaliya usoo gudbiyeen soo jeedinta kulanka isaga iyo Abiy Ahmed.
Waa markii labaad oo uu madaxweynaha Soomaaliya uu diido inuu la kulmo raysal wasaaraha Itoobiya.
Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Kenya Willian Ruto uu isku dayay inuu magaalada Nayrobi ku kulansiiyo Xasan Sheikh iyo Abiy Ahmed. Hase ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulankaas diiday.
Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysatay mawqifkeeda ku aaddan in Itoobiya ay baabi’iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Gobaladda Waqooyi, ka hor inta aan la gelin wada-hadal toos ah.
Hogaamiyaha Soomaaliya oo diiday inuu magaalada Beijing kula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Follow
Newsroom published
Updated 2 years ago
1-minute read
How do you rate this story?
Direct News Delivery
75K+ Followers
Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay WhatsApp & Telegram
Hel wararka degdegga ah, falanqeynta siyaasadda, iyo muuqaallada tooska ah adigoon seegin.