Skip to content
Friday, October 23, 2026 11 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:43
Muqdisho 29°C
Breaking: Puntland State Health Minister Inspects Dhahar Hospital During Regional Tour
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Chelsea mise Actual Madrid? Romelu Lukaku Oo Shaaciyey Koox Aad La

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Laacib

Weeraryahanka reer Belgium ee Romalu Lukaku ayaa shaaciyey midka uu doonayo in ay guuleysato marka ay habeen dambe lugta labaad ee semi-finalka Champions League ku kulmaan Chelsea iyo Actual Madrid.

Eden Hazard iyo Thibaut Courtois oo ay saaxiibbo iyo isku waddan yihiin Romelu Lukaku ayaa u ciyaaraya Actual Madrid, laakiin weeraryahankan ayaa isaguna hore ugu soo ciyaaray Blues muddadii u dhaxaysay 2011 illaa 2014.Labada kooxoodba sidaas ayay saamayn ugu leeyihiin, laakiin haddana waxa la fogaatay arrinta saaxiibtinimada.

Actual Madrid iyo Chelsea ayaa lugtii hore ee Alfredo Di Stefano waxay ku kala baxeen barbarro 1-1 ah, waxaanay Stamford Bridge tegayaan iyadoo Chelsea ay is-bidayso in ay faa’iido ku haysato goolka ay kusoo dhalisay garoonka ay martida ku ahayd

Romalu Lukaku oo ay da’diisu tahay 27 jir, toddobaadkanna Inter Milan ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo ay muddo toban sannadood ah ka maqnayd, waxa uu sheegay in uu doonayo in Actual Madrid ay guuleysato, isla markaana ay farxaan saaxiibbadiisa Actual Madrid.

Lukaku oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Waxaan la hadlay Courtois, berrina waxaan la hadli doonaa Eden. Waxaan ogahay waxa uu Eden doonayo in uu sameeyo, waxaanan u rajaynayaa in uu ku guuleysto Champions League iyo horyaalka LaLiga, boqolkiiba boqol ayaanu diyaar u yahay tartanka qaramada Yurub.”

Eden Hazard oo xilli ciyaareedkan ay dhaawacyo daashadeen, sidoo kalena sannadkii hore sidan oo kale dhaawacyo ugu qaatay waqtigiisa ugu badan ayaa waxa uu Romalu Lukaku tibaaxay in uu hadda taam ka noqday dhaawacyada oo uu ciyaari doono tartanka Euro 2020 ee  bisha dambe.

“Eden Hazard boqolkiiba boqol wuxuu ciyaari doonaa tartankaas, waa laacib ka duwan ciyaaartoyda kale. Waxa aanu uga baahnahay Euros – Waxa aan rajaynayaa in ciyaartoy badan oo Belgium ah ay koobab ku guuleystaanxilli ciyaareedkan sababtoo ah, waxay ka helayaan khibrad iyo in aad noqonayso dileyaal xoogsada koobab.”

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes