Browsing Tag

waqooyi

Waqooyi Bari oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalka galbeedka gobolka Mudug

 Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) - Maamulka Waqooyi Bari ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda ka taagan galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo ay maanta ku dagaalamayaan maleyshiyaad kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, kuwaas oo isku haysta dhul daaqsimeed.Hogaamiye ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Waqooyi Bari, Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda iyo xabbadda ka socota galbeedka gobolka Mudug.Hogaamiye ku xigeenka wuxuu sheegay inay direen wafdi ka socday golayaasha maamulkooda, si…

Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya oo war cusub kasoo saaray heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya

 Khamiis,  Juun, 27, 2024 (AX) - Xukumadda Itoobiya ayaa beenisay warar sheegaya in ay ka laabatay heshiiskii is afgarad ee ay horaantii sannadkan la gashay Gobaladda Waqooyi.Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa bulshada loogaga digay wararka been abuur ka ah ee laga faafinayo heshiiska."Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Gobaladda Waqooyi" ayaa…

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo sheegay in ay ka go’antahay in la fuliyo heshiiska Itoobiya

 Arbaco,  Juun, 26, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ay ka go'antahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah.Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ay labada ka go'antahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu sheegay in uu Gobaladda Waqooyi u horseedi doono aqoonsi.Waxa uu Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay daacadnimo daro, isaga oo sheegay…

Waqooyi Bari iyo dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay shakabad tahriibisa dhallinyarada

 Arbaco, Juun, 26, 2024 (AX) - Askarta Booliiska dowlad goboleedka Waqooyi Bari iyo Askarta Booliska Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa iska kaashaday gacanta ku dhigidda shakabad ka shaqeysa tahriibinta dhallinyarada.Shakabadan ayaa la qabtay iyagoo waday koox dhallinyaro ah oo laga tahriibiyay deegaanada Waqooyi Bari, loona waday in Magafe loo gacan galiyo, kuwaas oo lagu qabtay degmada Qabri Dahar ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.War saxaafadeed kasoo baxay Booliiska Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in hay’adda…

Hogaamiye Xasan Sheekh “Walaalaha Waqooyi waxaan leeyahay majirto meel dad Soomaaliyeed idinku tashadeen”

 Arbaco,  Juun, 26, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 64 sano guuradii kaso wareegatay markii gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay madax banaanida ka qaateen gumeystahii Ingiriiska.Hogaamiye Xasan Sheekh oo munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed iney adkeystaan midnimada iyo madax banaanida dalkooda, isagoona sheegay in dowladiisa ay ka go'an tahay ilaalinta waajibaadka ka saaran qaranimada iyo jiritaanka…

Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay lahayn dekedo ay heshiis kula gasho Itoobiya

 Talaado,  Juun, 25, 2024 (AX) - Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in dalabka uu Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigay Itoobiya aanu ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara oo maangal ah.Wasiirka Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi Maxamed Kaahin Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya anay lahayn deked u dhow Itoobiya oo ay heshiis kula gali karto Itoobiya."Xasan Sheekh Maxamuud wali ma fahmin, isfahanka Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi kaliya kuma saabsana dekedo,…

Gobaladda Waqooyi oo odayaasha dhaqanka ka mamnuucday ka garnaqa falalka kufsiga

 Isniin,  Juun, 24, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto madaxweyne ku amray in odayaasha dhaqanku anay ka garnaqi karin falalka kufsiga.Hogaamiyaha ayaa amray in maanta laga bilaabo anay odayaasha dhaqanku faragalin karin kiisaska kufsiga, isla markaana waxa uu faray booliiska in eedaysanayaasha falalka kufsiga kali ah maxkamada la horgeeyo."Waxa aan go'aamiyay in fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo…

Waqooyi Bari iyo Galmudug oo sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta dagaal beeleed ka socda bariga gobolka Mudug

 Isniin, Juun, 24, 2024 (AX) - Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug.Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday.Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada…

Booliiska Gobaladda Waqooyi oo faah faahin ka bixiyay xadhiga Cismaan Cumar Dool

 Sabti,  Juun, 22, 2024 (AX) - Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani, oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ku eedeeyay qarandumisnimo iyo dagaal oogis.Afhayeen u hadkay booliiska ayaa yidhi "Waxa uu dadwaynaha Gobaladda Waqooyi ku dhiirigalinayay in ay ka horyimaadaan shuruucda iyo kala danbaynta dalkan u dagsan, safarkii ugu danbeeyay waxa uu dadwaynaha ku boorinayay in ay ka dagaalamaan hadii isaga la xidho".Booliiska ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo qoraalo uu Dool bulshada ku…

Ardayda Laascaanood oo 15 sanno kadib aan ka qaybgalin imtaxaanka shahaadiga ah ee Gobaladda Waqooyi

Sabti,  Juun, 22, 2024 (AX) - 38 kun oo arday oo iskugu jira ardayda fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sarre, ayaa saaka u fadhiistay imtaxaanka shahaadiga ah ee Gobaladda Waqooyi, ardayda reer Laascaanood ayaan imtaxaanka qayb ka ahayn.Sida uu baahiyay Muuqbaahiyaha Qaranka Soomaaliyeed ardayda magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa maanta u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya."1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa Imtixaanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More