Browsing Tag

Raysal

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan muhiim ah iyo Raysal wasaare Xamse oo bogaadiyay

 Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan  Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada,…

Raysal wasaare Xamse oo magaalada Seol uga qeybgalay shir muhiim ah oo ka furmay

 Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Seol ee dalka Koonfur Kuuriya uga qeyb galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo goordhaw si rasmi ah u furmay.Shir madaxeedkaan u furmay Kuuriyada Koonfureed iyo madaxda Afrika ayaa socon doono mudo laba maalmood ah, kaasoo dhinacyada ay diiradda ku saari doonaan xiriirka soo jireynka ahaa ee ka dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika.Laba dhinac waxay sidoo kale ka…

Raysal Wasaare Xamse oo maanta u ambabaxay dalka Kuuriyada Koonfureed

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Seol ee dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika.Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in shirkaan uu socon doona 4-ta ilaa 5 bishaan Juun, islamarkaana diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lagaa xiriirka u dhaxeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.Shirkaan…

Raysal Wasaare Xamse oo Baarlamaankii hore ku tilmaamay kuwa laaluush qaatayaal ahaa

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka horumarada ay ku talaabsatay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda Fedaraalka sidii ay u sii xoojin laheyd horumarada ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyadoo loo marayo barnaamij siyaasadeed ka kooban lix tiir…

Raysal Wasaare Xamse oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

 Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa halkaas Xalay kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.Raysal Wasaare Xamse ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarka dalka, isagoona warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka, fursadaha la heli karo, caqabadaha ku gadaaman dowlad dhisidda iyo dadaalada Xukuumaddiisa ay ku howlan tahay…

Raysal Wasaare Xamse oo Kenya uga qeyb galaya shirka guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo halkaas uga qayb-galaya shirka guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya.Ra’iisul wasaare Xamse iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, ayaa si wadajir ah u shir guddoomin doona shir heer wasiir ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga amniga, ganacsiga, iyo xuduudaha ee labada dal.Xamse ayaa la filayaa inuu la kulmo wakiillo ka socda ururada ganacsiga…

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta safarkiisii u horeeyay ugu ambabaxay dalka Kenya

 Isniin, April, 6, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saakay u ambabaxay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa magaalada Nairobi u tagaya booqasho rasmi ah oo la xariirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya."Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay…

Raysal wasaare Xamse : Been sheegi mayno, Teendho dambe Soomaali isku dooran mayso

Talaado, April, 30, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, in Soomaaliya aysan dib dambe ugu laaban doonin  doorasho lamid ah kuwii hore loogu qabtay teendhada Afisyooni.Raysal wasaare Xamse, ayaa sheegay in go’aankooda uu cad yahay, isagoo sheegay inay ku shaqeynayaan hannaanka doorasho ee uu dalku u guuray.“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa in teendho danbe aan la isku dooran, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii…

Raysal wasaare Xamse oo safarkii ugu horreeyay ku tagidoona dalka Kenya

Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu booqasho ku tago dalka Kenya, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya. Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo raysal wasaare Xamsa uu tago Nairobi isagoo Ra'iisul Wasaare ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 25kii Juun 2022.“Kenya iyo Soomaaliya waa deris wanaagsan, waxayna sii wadaan ka wada shaqaynta…

Raysal wasaare Xamse oo hay’adaha dowladda ka mamnuucay shirarka dibadda lagu qabto

 Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Xukumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda ka mamnuucday in meel ka baxsan dalka lagu qabto shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hay’adaha dowladda. Go’aankaan ayaa laga sheegay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.Waa markii labaad oo sanad gudihiisa ay dowladda hadalkaan sheegto.Wuxuu kusoo beegmay, iyadoo dowladda lagu dhaliilayo in hay’adaha dowladda ay shirar ku qabsadaan dalalka dibadda sida Kenya oo ugu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More