Raysal Wasaare Xamse oo Baarlamaankii hore ku tilmaamay kuwa laaluush qaatayaal ahaa

 
Khamiis, May, 9, 2024 (AX) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka horumarada ay ku talaabsatay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda Fedaraalka sidii ay u sii xoojin laheyd horumarada ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyadoo loo marayo barnaamij siyaasadeed ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhamaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumaro waara.
Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliya iney tahay mid ku timid dadaalka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo si weyn uga duwan dhankasto Baarlamaankii ka horeeyay.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Maanta jira la’antiis inaan dowladda lagama qaadi lahyn cunaqabateynta hubka, deyn lagama cafin laheyn, mana ku biiri laheyn suuqa Bariga Afrika, hadii ay joogi lahayeen kuwii iyaga ka horey aad wada ogtahiin guulahaas lama gaareen oo waxay hal kalfadhi ku ansixiyeen 12 sharci oo mid walba midka kale ka muhiimsan yahay” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.
Wuxuu sido kale tilmaamay Raysal wasaaraha  Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ineysan aheyn kuwa laaluush qaata.
“Dad meelaha ka caaytama way jiraan, balse waxaan Wacad ku maraya in Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka yihiin kuwa aan waligood i weydiin wax laaluush ah, laga soo bilaabo maalintey Xukuumadda ansixiyeen ilaa hada, guulaha la gaaray aniga iyo madaxweynaha kaliya kama shaqeyn” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ugu dambeyntii Raysal Wasaare Xamse ayaa xusay iney ka go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taasoo uu tilmaamay iney qayb ka tahay qorsheyaasha dib u habaynta siyaasadeed ee dalka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More