Faahfaahino kasoo baxaya duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Bakool

Sabti, Juun, 22, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal iyo duqeymo is barbar socday oo maanta ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Duqeyntaan ayaa la sheegay in fuliyeen diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn oo beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana halkaas ku dilay qaar ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil.
Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in saraakiisha Shabaab ee lagu duqeynta iyo dagaalka is barbar socda magacyadooda ay dib kasoo shaacin doonaan.
Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan ma sheegin sidoo kale in howlgalkaan duqeynta iyo dagaalka is barbar socday iney qeyb ka ahayeen saaxiibada Caalamka iyo in kale.
Duqeynta iyo dagaalka ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan goboladaas,waxaana xusid mudan in howlgaladaas ciidamadu kula wareegeen deegaano horay uga talin jireen Al-shabaab.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More