Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan muhiim ah iyo Raysal wasaare Xamse oo bogaadiyay

 
Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan  Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.
“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Deegaanka Buula Xaaji ayaa ah deegaan muhiim ah oo qiyaas ahaan 80 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Fedaraalka ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-shabaab iyo u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladdu gacan waxay kula diriraysaa Khawaarijta, gacanna waxay ku daryeelaysaa shacabkeeda, waxaana dadka iyo deegaankuba heli-doonaan adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarasho, Caafimaad iyo Nabadgalyo si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay Khawaarijta” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi barre.
La wareegista deegaanka Buula Xaaji ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Shalay galinkii dambe ciidamada dowladda Soomaaliya ay sidoo kale Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaasoo dhaca xaduuda ay wadaagaan gobolada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More