Browsing Tag

oo

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobol Baay

 Axad, April, 5, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Sarman dheere ee gobolka Baay.Howlgalka ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Sarman dheere oo ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay xubno isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad aanan tiradooda si rasmi ah loo shaacin.War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya iney sidoo kale nolosha ku qabteen xubno…

Afhayeenka Booliiska “Ma jirto cid dowladda ka tirsan oo amartay in Meydadka laga saaro Qabuuraha Iskuul Buluusiya”

 Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Waxaa saacadahii lasoo dhaafay hadal heyn badan ay ka dhalatay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo la xariiray in amar kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya  qabuuraha Iskuul Buluusiya dib looga saarayo meydadkii ku jiray.Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Xasan Aadan oo shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa arintaasi ku sheegay iney tahay mid been abuur ah oo waxba kama jiraan ah."Ma jirto cid dowladda ka tirsan oo amartay in Meydadka laga saaro Qabuuraha…

Shacabka Muqdisho oo billaabay inay maydadkooda kala baxaan qabuuraha Iskuul buluzia

Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Shacabka ku nool Muqdisho ayaa bilaabay inay maydadka dadkooda horey u geeriyooday kala baxaan qabuuraha kuyaala  Iskuul buluzia ee degmada Xamar Jajab.Qaar kamid ah dadka la baxay maydadkooda, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan, in dowladdu ay amartay in qabuuraha Iskuul buluzia laga saaro dadka ku aasan, loomana sheegin ujeeddada arrintaan laga leeyahay.Dadka maydkooda laga saaray qabuuraha Iskuul buluzia waxaa kamid ah, majaajilistihii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray, Cabdi…

Millateriga Gobaladda Waqooyi oo beeniyay rasmi ahaanshaha qoraal dowlado iyo xisbiyo kagu dhaliilay oo ay dhawaan baahiyeen

 Sabti, May, 4, 2024 (AX) - Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa beeniyay rasmi ahaanshaha war dhawaan lagu baahiyay bogga Facebook ee ciidanka, kaasi oo lagu cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi iyo Waddamada Reer Galbeedka.Afhayeenka Millateriga Cabdiraxmaan Cabdillaahi 'Cabdidheere', oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in qoraalka kasoo baxay ciidanku aanu ahayn mid rasmi ah oo madaxda ciidanku ay ka warqabeen."Waxaanu jawaab waafi ah ka bixinaynaa warqada ka hadlaysay waxyaabah faraha badan leh, ee…

Ururka iskaashiga Islaamka oo mar kale si adag uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi

Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Gobaladda Waqooyi.Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia ee Banjul, intii u dhaxaysay May 2 - 3, iyadoo hal-ku-dhigga shirkaas uu ahaa "Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyada…

Howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo

 Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada ka fuliyay deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab.Taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad Gaashaanle sare Cismaan Niiniile oo hoggaaminaayay howlgalada ayaa warbaahinta u…

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

 Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.Sarkaalkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmed oo loo yaqiinay Aadan biit, kaasoo lagu dilay goob maqaaxi ah oo ku taala agagarka xerada Iskool Buluusiya oo ka mid ah meelaha sida weyn loo ilaaliyo. Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa geystay nin ku hubeysnaa Bastoolad, kaasoo ku dhuftay marxuumka dhowr xabdood, islamarkaana si deg deg ah goobta uga…

Puntland oo qabatay hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay burcad badeed

 Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Ciidamada badda Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed.Howlgalkan ayaa ka dhacay degmo xeebeedka Eyl, halkaas oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka mid tahay meelaha laga abaabulo weerarrada  qafaalashada maraakiibta caalamiga ah.War saxaafadeed kasoo baxay ciidanka badda Puntland ayaa sheegay, in ciidamadu ay ku raad joogaan burcad badeeddii madaxa furashada ka qaatay Markab laga leeyahay dalka Bangladesh oo…

Ciidamada amaanka oo gacanta kusoo dhigay nin Maanta Xaaskiisii hore ku dilay Muqdisho

 Jimco, April, 3, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin maanta ku dilay Xaaskiisii hore deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.Ninkaan ku eedeysan dilka Xaaskiisii hore ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Maame, kaasoo Mindi ku dilay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi, taasoo ninka dilay horay ugu soo dhashay sadax wiil, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu maanta u geystay ninkeedii hore.War qoraal ah oo…

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan dil loo geystay Wiil yar

Jimco, April, 3, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca qaaday iney gacanta ku soo dhigeen rag ku eedeysan dil ay horey ugu geysteen Wiil Arday ahaa.Ragaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacanta kusoo dhigay ayaa ka kooban 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeysan dilka Cabdullaahi Cabdi Isaaq oo 18 jir ahaa. Eedeysanayaashaan Booliiska gobolka Banaadir uu gacan kusoo dhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Axmed Cadow,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More