Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobol Baay

 
Axad, April, 5, 2024 (AX) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Sarman dheere ee gobolka Baay.
Howlgalka ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Sarman dheere oo ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay xubno isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad aanan tiradooda si rasmi ah loo shaacin.
War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya iney sidoo kale nolosha ku qabteen xubno ka mid ah kooxdii ku sugneyd deegaanka Sarman dheere.
“Howlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Sarman dheere ee gobolka Bay ayaa lagu khaarajiyey horjoogayaal iyo maleeyshiyaad ka tirsan khawaarijta.  iyadoo maleyshiyadi khawaarijta qaarna lagu layey qaarna nolosha lagu qabtay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Howlgalkaan lagu dilay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ayaa qeyb ka ah howlgalada ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More