Browsing Tag

oo

Golaha wasiirrada oo ansixiyay heshiis ku saabsan caddaaladda oo dhexmaray Soomaliya iyo Tuirkiga

Khamiis, April, 2, 2024 (AX) - Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay heshiis dhinaca caddaaladda  ah oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.Wasiirka caddaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sheegay heshiiskaan inuu ku saabsan yahay, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhanka caddaaladda ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskan uu oggolaanayo isu gudbinta labada dal ee dambiilayaasha xukuman iyo eedeysanayaasha.Xasan Macallin wuxuu sheegay, Soomaaliya…

Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in ay la safan doonto Waddamada Bariga hadii ay taageero buuxda ka waydo Reer Galbeedka

Khamiis, April, 2, 2024 (AX) - Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedku siyaan Soomaaliya ay khatar ku tahay daganaanshaheeda.Warbixin uu baahiyay Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya ay khatar ku yihiin amaanka Gobaladda Waqooyi, warbixintu waxay sheegtay in askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood, taasi oo…

Ciidamada Kenya oo lix kamid ah kooxda Alshabaab ku dilay magaalada Kumba ee gobolka Lamu

Ciidamada Kenya oo lix kamid ah kooxda Alshabaab ku dilay magaalada Kumba ee gobolka Lamu  Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Ugu yaraan lix qof oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ciidamada ammaanka Kenya ay ku qaadeen deegaanka Kumba ee gobolka Lamu.Booliisku waxay sheegeen inay sidoo kale la wareegeen sahay muhiim ah oo ay ka carareen Alshabaab.Goobta uu weerarka gaadmada ah ka dhacay ayaa ahayd dhulka Keymaha ah ee Boni, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaabku xilli ay qorsheynayeen…

Daadad oo kusoo rogmaday gudaha Magaalada Baledweyne oo sababay barakac xoogan

Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya roobab xoogan oo ku dhawaad 5 saacadood oo xiriir ah ka da'ay Xalay gudaha iyo daafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Roobka oo ahaa mid xooganaa ayaa sababay in laga barakaco xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Raadeerka oo ka mid ah Xaafada Kooshin, kadib markii ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo ka yimid Waadiyaasha mara duuleedka magaalada Baledweyne.Qaar ka mid ah qoysaska degan xaafadaha Kutiimbo iyo…

Beelweynta Abgaal oo ku baaqday inuu is casilo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe

Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha Abgaal oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir uga socday gudaha magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn bayaan ay shirkaasi kasoo saareen waxaa ka mid aha in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle looga dalbaday inuu is casilo.Bayaanka kasoo baxay shirka waxaa si weyn loogu dhaliilay hanaanka jiritaanka Hirshabeelle iyo hogaaminta Cali Guudlaawe Xuseen oo ay sheegeen inuu ku fashilmay hogaaminta maamulkaas, islamarkaana loo baahan yahay…

Midowga Afrika oo xaqiijiyay in la isku dayay in $6 milyan lagala baxo akoon ay ku leeyihiin Bangi kuyaala Addis Ababa

Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Ururka Midowga Afrika ayaa qirtay in la isku dayay in lacag dhan 6 milyan oo dollar lagala baxo akoonka ay ku leeyihiin bangiga ganacsiga ee Itoobiya (CBE) oo ku yaala magaalada Addis Ababa, balse uu fashilmay isku daygaasi.Waa bayaankii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Midowga Afrika uu ku qirto wararka isku daygaas fashilmay. Midowga Afrika waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin falkaas.15kii Abriil, ayay ahayd markii amarro kala wareejin ah loo gudbiyay Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya, laantooda ku…

Kenya oo sheegtay inay qabatay xubin katirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Abuu Maahir

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Hay’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Mustakima Mohammed Ali oo loo yaqaan Abu Maahir, oo la sheegay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab.Ninkaan ayay dowladda Kenya nolol iyo geeri ku raadinaysay tan iyo 2019, isagoo loo haysto dilka sarkaal bilays ah iyo laba qof oo kale, dilkaas oo ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu.Ciidamada ammaanka ayaa xiray ninkaan, isagoo bas ka soo raacay Lamu kuna socday Malindi.Kenya waxay sheegtay, in Mustakima uu ka mid ahaa argagixisadii…

Waddamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiis Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Xukumadda Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi.Gabagabada shir ay yeesheen waddamadan, ayaa lagu sheegay, in heshiiskaas uu yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka…

Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka

Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka  Sabti, April, 27, 2024 (AX) - Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kulan daahfuran la yeelan doonaan wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS, si wax looga weydiiyo musuq maasuqo raashinkii loogu talagalay ciidanka DANAB, oo ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay tababareen Maraykanka.Warsaxaafadeed uu guddiga soo saaray, ayuu wuxuu nasiib darro ku tilmaamay musuq maasuqa…

Aabe iyo caruurtiisa oo ku geeriyooday qarax uu ku diyaarinaayay gurgiisa oo ku yaala Ceelasha biyaha

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay ka dhacay guri ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Qaraxaan miino ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu guriga ku dhex farsameynaayay nin ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana la xaqiijiyay inuu galaaftay qaraxa nolosha ninka qaraxa diyaarinaayay iyo laba caruur ah oo uu dhalay, iyadoona dhaawac culus uu soo gaaray xaaskiisi oo aheyd hooyada qoyska."Ceelasha…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More