Millateriga Gobaladda Waqooyi oo beeniyay rasmi ahaanshaha qoraal dowlado iyo xisbiyo kagu dhaliilay oo ay dhawaan baahiyeen

 
Sabti, May, 4, 2024 (AX) – Millateriga Gobaladda Waqooyi ayaa beeniyay rasmi ahaanshaha war dhawaan lagu baahiyay bogga Facebook ee ciidanka, kaasi oo lagu cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi iyo Waddamada Reer Galbeedka.
Afhayeenka Millateriga Cabdiraxmaan Cabdillaahi ‘Cabdidheere’, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in qoraalka kasoo baxay ciidanku aanu ahayn mid rasmi ah oo madaxda ciidanku ay ka warqabeen.
“Waxaanu jawaab waafi ah ka bixinaynaa warqada ka hadlaysay waxyaabah faraha badan leh, ee dowladaha faraha badan leh lagu duray, xisbiyada qaranka JSL qaarkood lagu duray, warqadaasi kamay bixin xafiiska taliyaha ciidanka qaranka ee ay ku suntantahay” ayuu yidhi Cabdidheere.
Waxa uu sheegay in ay ahayd warqad ka baxday shakhsi gaar ah oo ka tirsan ciidanka, isaga oo sheegay in kadib markii la ogaaday talaabo laga qaaday cidii baahisay waraaqdan lagaga hadlay xidhiidhada Gobaladda Waqooyi ee arrimaha dibadda.
Waxa uu sheegay in ciidanku uu u simanyahay xisbiyada kala duwan, islamarkana siyaasada arrimaha dibada ay ka hadli karto uun wasaarada arrimaha dibada oo aanu ciidanku shaqo ku lahayn.
“Warqadaasi cidkasta oo ay gaadhay waanu ka raaligalinaynaa, si buuxda ayaanu uga raaligalinaynaa, warqad rasmi ah oo xafiiska taliyaha ka baxdayna maaha sinaba” ayuu yidhi Cabdidheere.
Qoraalka dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada ee Ciidanka Millateriga Gobaladda Waqooyi, ayaa lagu sheegay in hadii mucaaradka Gobaladda Waqooyi ay doorashada ku guulaystaan ay xidhiidhka u jari doonaan Waddamada Reer Galbeedka oo ay la xidhiidhi doonaan Shiinaha iyo Ruushka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More