Afhayeenka Booliiska “Ma jirto cid dowladda ka tirsan oo amartay in Meydadka laga saaro Qabuuraha Iskuul Buluusiya”

 

Sabti, April, 4, 2024 (AX) – Waxaa saacadahii lasoo dhaafay hadal heyn badan ay ka dhalatay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo la xariiray in amar kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya  qabuuraha Iskuul Buluusiya dib looga saarayo meydadkii ku jiray.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Xasan Aadan oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa arintaasi ku sheegay iney tahay mid been abuur ah oo waxba kama jiraan ah.
“Ma jirto cid dowladda ka tirsan oo amartay in Meydadka laga saaro Qabuuraha Iskuul Buluusiya, waa dacaayad iyo been abuur, aniga ayaa idiin xaqiijinaya inuu warkaasi aheyn mid jiro” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Cabdifataax Xasan Aadan.
Wuxuu sidoo kale sheegay Afhayeenka in cidii dooneysa iney la baxdo dadka uga aasan Qabuuraha ay xur u yihiin iney la baxaan, hayeshee aysan jirin wax kale oo culeys ah.
“Sidee ku dhici kartaa Qabuure doraad dad lagu aasay in la dhaho amar Booliiska kasoo baxay ayaa qabriga meydadka looga saaraya, Qabuuraha Iskuul Buliisiya waxaa ku aasan dad qiimo badan oo shahiid u badan mana jirto hada wax baahi ah oo ay dowladda u qabto” ayuu yiri Afhayeen Cabdifataax Xasan.
Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Booliiska ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta qabuuraha Iskuul buliisiya laga saaray meydad uu ka mid yahay meydka Alle ha u naxariiste Jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo lagu aasay qabuuraha Iskuul Buliisiua sanadkii 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More