Ciidamada amaanka oo gacanta kusoo dhigay nin Maanta Xaaskiisii hore ku dilay Muqdisho

 
Jimco, April, 3, 2024 (AX) – Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta kusoo dhigay nin maanta ku dilay Xaaskiisii hore deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.
Ninkaan ku eedeysan dilka Xaaskiisii hore ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Maame, kaasoo Mindi ku dilay xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi, taasoo ninka dilay horay ugu soo dhashay sadax wiil, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka uu maanta u geystay ninkeedii hore.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninka dilka geystay haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina, kadib dhaawac uu qudhiisa isku geystay.
“Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanka kudhigey maantey oo ay tahay  03-05-2024 abaaro 1410hrs ama 0214 pm   eedeyasane gacan ku dhiigle MAXAMED ISMAACIIL MAAME  INA FAADUMO  SHEEKH AXMAD 44 jir ah  ku dhashey  degmada waaberi kaas oo dil bareer ah u geystey  xaaskiisa hore  MARXUUMAD  XABIIBO   XUSEEN  CABDULAAHI INA MARYAN CALI BILAAL  34 jir ah taas oo hooyo u ah  caruur tiradooda gaareysa   3 wiil  oo uu dhalay gacan ku dhiiglaha” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska gobolka Banaadir.
Warka kasoo baxay Booliiska Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkaan dilay Xaaskiisii hore si deg deg ah loo hor keeni doono Cadaaladda, waxaana dilkaan uu qeyb ka noqonaya dilal aragagax leh oo magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gobolada dalka kusoo badanaayay mudooyinkii dambe oo ka dhex dhacaayay dad isku qoys ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More