Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo rajo fiican ka muujiyay in uu markale ku guulaysan doono doorashada

 
Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu isagu markale yahay musharaxa xibiga Kulmiye, isla markaana uu guulaysan doono.
Waxa uu sheegay in uu diyaariyay doorashadii madaxweynaha oo la qaban doono 13 November ee sannadkan, sida ay baahisay warbaahinta xukuumada Gobaladda Waqooyi.
“Doorashadii madaxtooyada Ka madaxweyne ahaan iyo aniga oo ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye waa naga diyaar waananu helaynaa” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.
Isaga oo ka jawaabaya dhawr jeer oo xisbiga Kulmiye uu mucaaradka ugu baaqay in ay aqbalaan natiijada doorashada soo socota, oo ay mucaaradku kaga jawaabeen in aan wali doorasho la gaadhin, ayuu sheegay in mucaaradku doorashadii horeba anay aqbalin.
“Ninka leh maxaad u tidhaahdaan natiijada aqbala waxa aan leehay tii horeba 2017 ilaa hada maad aqbalin maantana kuwa ila tartamayaa waa kuwii aan shalay ka badiyay dad cusub maahan” ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.
Waxa uu ku andacooday in xisbiga Kulmiye uu horumarka gaadhsiiyay Gobaladda Waqooyi isla markaana uu yahay xisbi uu shacaku mahdiyay taasina ay sababtay in uu xisbigu laba jeer ku guulaysto madaxtinimada “Xisbiga Kulmiye waxa lagu dooranayaa waa taariikh iyo difaaca qaranimada Gobaladda Waqooyi”.
Ugu danbayntii waxa uu sheegay in doorashadii ay diyaar ka tahay dhankiisa, oo uu diyaariyay kharashkii, guddida doorashooyinka ayaa iyaguna dhanooda sheegay in anay waxba ka dhul oolin.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More