Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya : 27 Milyan oo Doollar oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga Xukumadda 4-ta Bilood ee lasoo dhaafay

Arbaco, May, 8, 2024 (AX) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar’id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa ka hadlay horumarka ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samayay kordhinta dakhliga gudaha ee dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka maaliyadda, xoojinta midaamka maamulka guud ee Maaliyadda iyo dardar-gelinta in laga faa’iideystay tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka ururinta canshuuraha.
“Sanadkii 2022-ka bishii January illaa bishii Abril 2022 dakhliga Xukumadda u soo xarooday wuxuu ahaa 73 Milyan oo doollar. 2023 -kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Xukumadda u soo xarooday waxa uu ahaa 89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ahm afartaas bilood dakhliga dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha,”  ayuu yiri Wasiirku.
Wasiir Biixi waxa uu xusay in 30% uu kordhay sanadkaan dakhliga Xukumadda. Sidoo kale waxa uu sheegay in horumar laga sameeyay hannaanka canshuur aruurinta Xukumadda taasi oo uu sheegay inay qeyb ka qaadatay sare u kaca ku yimid dakhliga gudaha.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo ka hadlay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya halka uu marayo iyo sida ay dowladda uga go’antahay ka miradhalinta in la gaaro guusha Deyn Cafinta. Waxa uu shegay sheegay in Dakhliga gudaha dalka uu hormur wayn sameeyay bilihii ugu dambeeyay taasi oo ah guullo wax ku ool ah oo laataban karo.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka mira-dhaliso barnaamijka Deyn Cafinta.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More