Browsing Tag

oo

Beelweynta Abgaal oo ku baaqday inuu is casilo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe

Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha Abgaal oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir uga socday gudaha magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn bayaan ay shirkaasi kasoo saareen waxaa ka mid aha in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle looga dalbaday inuu is casilo.Bayaanka kasoo baxay shirka waxaa si weyn loogu dhaliilay hanaanka jiritaanka Hirshabeelle iyo hogaaminta Cali Guudlaawe Xuseen oo ay sheegeen inuu ku fashilmay hogaaminta maamulkaas, islamarkaana loo baahan yahay…

Midowga Afrika oo xaqiijiyay in la isku dayay in $6 milyan lagala baxo akoon ay ku leeyihiin Bangi kuyaala Addis Ababa

Khamiis, May, 2, 2024 (AX) - Ururka Midowga Afrika ayaa qirtay in la isku dayay in lacag dhan 6 milyan oo dollar lagala baxo akoonka ay ku leeyihiin bangiga ganacsiga ee Itoobiya (CBE) oo ku yaala magaalada Addis Ababa, balse uu fashilmay isku daygaasi.Waa bayaankii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Midowga Afrika uu ku qirto wararka isku daygaas fashilmay. Midowga Afrika waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin falkaas.15kii Abriil, ayay ahayd markii amarro kala wareejin ah loo gudbiyay Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya, laantooda ku…

Kenya oo sheegtay inay qabatay xubin katirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Abuu Maahir

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Hay’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Mustakima Mohammed Ali oo loo yaqaan Abu Maahir, oo la sheegay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab.Ninkaan ayay dowladda Kenya nolol iyo geeri ku raadinaysay tan iyo 2019, isagoo loo haysto dilka sarkaal bilays ah iyo laba qof oo kale, dilkaas oo ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu.Ciidamada ammaanka ayaa xiray ninkaan, isagoo bas ka soo raacay Lamu kuna socday Malindi.Kenya waxay sheegtay, in Mustakima uu ka mid ahaa argagixisadii…

Waddamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiis Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Xukumadda Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi.Gabagabada shir ay yeesheen waddamadan, ayaa lagu sheegay, in heshiiskaas uu yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka…

Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka

Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka  Sabti, April, 27, 2024 (AX) - Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kulan daahfuran la yeelan doonaan wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS, si wax looga weydiiyo musuq maasuqo raashinkii loogu talagalay ciidanka DANAB, oo ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay tababareen Maraykanka.Warsaxaafadeed uu guddiga soo saaray, ayuu wuxuu nasiib darro ku tilmaamay musuq maasuqa…

Aabe iyo caruurtiisa oo ku geeriyooday qarax uu ku diyaarinaayay gurgiisa oo ku yaala Ceelasha biyaha

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay ka dhacay guri ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Qaraxaan miino ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu guriga ku dhex farsameynaayay nin ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana la xaqiijiyay inuu galaaftay qaraxa nolosha ninka qaraxa diyaarinaayay iyo laba caruur ah oo uu dhalay, iyadoona dhaawac culus uu soo gaaray xaaskiisi oo aheyd hooyada qoyska."Ceelasha…

Maraykanka oo dib u qiimeyn ku sameyndoona taageerada uu siiyo ciidanka Danab

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Xukumadda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto xiriirkooda iyo wadashaqeyntooda Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ah cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).Sarkaal Mareykan ah ayaa  u sheegay Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadanayso dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa. Saraakiisha  Ciidanka Danab ayaa lagu eedeeyay u weecinta raashiinka suuqa madow taasoo lid ku ah heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Mareykanka."Waxaan rajeyneynaa…

Xukumadda Kenya oo sheegtay inay Alshabaab ka sifaysay keymaha Booni

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Xukumadda Kenya ayaa shaacisay in ay Alshabaab ka sifaysay keymaha ay ku dhuumaalaysan jireen ee Booni, taas oo keentay in ay yaraadaan weeraradii argagixisanimo ee gobolka xeebta.“Argagixisadu waxay u adkeysan weyday awoodda hay’adaha amniga oo qaarkood ku qasbay inay dib ugu cararaan Soomaaliya oo ay naftooda u baqayaan,” ayaa lagu yiri war qoraal oo ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee Kenya.Hay'adaha Amniga ee Kenya ayaa waxay sheegeen inay ku guulaysteen inay ka takhalusaan Shabaabkii ku…

Wasiirka Gaashaandhigga oo xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh ay u xiran yihiin leexsashada raashinka ciidanka Danab

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh oo katirsan ciidan Danab lagu qabtay iyagoo gacmaha kula jiray musuq maasuq ka dhan ah raashin loogu talo galay hal guuto oo kamid ah ciidanka Danab.Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkan ku sheegay wareysi siiyay universal Tv, isagoo sheegay, falkaan inuu dhacay bishii hore, ayna muddo shan cishe ah u xiran yihiin saraakiishii ku lug lahayd falkaas.Wuxuu sheegay in raashinka lagu iibsaday…

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Kenya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Kenya Axad, April, 28, 2024 (AX) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA.Shirkaan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika ayaa ahaa mid looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika si uu u maalgaliyo Bangiga Adduunka.Qodobada ay kasoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More