Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka

Guddiga difaaca baarlamanka oo kulan daah furan ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka

 
Sabti, April, 27, 2024 (AX) – Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kulan daahfuran la yeelan doonaan wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS, si wax looga weydiiyo musuq maasuqo raashinkii loogu talagalay ciidanka DANAB, oo ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay tababareen Maraykanka.Warsaxaafadeed uu guddiga soo saaray, ayuu wuxuu nasiib darro ku tilmaamay musuq maasuqa lagu sameeyay raashinka ciidanka difaacayay gobanimada dalka, islamarkaana dagaalka kula jiray kooxda Alshabaab.

Guddigu wuxuu sheegay inay caddaatay in garaamkii ciidanka loogu talo galay la masuq maasuqay, loona maamulay, si ka baxsan nidaamka iyo haykalka dowladnimo, taasina ay sheegeen inay dhabar jab ku tahay wiilasha iyo gabadhaha u taagan xoraynta dalka.

Guddiga difaaca ayaa wasaaradda gaashaandhigga ka sugaya inuu kasoo jawaabi su’aalo ay kamid ah, cidda masuulka ah masuq masuqa raashinka ciidanka Danab.

‘);(playerPro=window.playerPro||[]).push(i);})();

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More