Browsing Tag

oo

Munaasibada xuska 18 May oo looga dabaaldagay Gobaladda Waqooyi

 Sabti,  May, 18, 2024 (AX) - Munaasibada 18 May ee 33 guurada kasoo wareegtay markii ay Gobaladda Waqooyi ku dhawaaqday gooni isutaaga 1991, ayaa si wayn looga xusay guud ahaan deegaanada Gobaladda Waqooyi.Kadib maalmo ay shacabka Gobaladda Waqooyi dabaaldagyo isdaba joog ah ka dhigayeen magaalooyinka waa wayn, waxa saaka fagaarayaasha badadiba magaalooyinka Gobaladda Waqooyi layskugu yimid xuska 18 May.Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, madaxda mucaaradka iyo saraakiil kala duwan, ayaa saaka magaalada…

Ciidamada dowladda oo howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

 Jimco, May, 17, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.Howlgalada oo ahaa kuwa qorsheysnaa ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle ee dhexmara gobolkaas.War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare xoogan lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay Jiinka…

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw War murtiyeed laga soo saaray

Jimco, May, 17, 2024 (AX) - Waxaa goordhaw War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.Shirkaan ayaa mudo afar maalmood ah uga socday madaxada Golaha Wadashiga Qaranka xarunta Aqalka Soomaaliya, kaasoo madaxda ay uga hadleen qodobo aad xasaasi u ahaa.War murtiyeedka laga soo saaray Shirka oo ka kooban afar qodob ayaa lagu sheegay in Golaha ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin sugidda amniga, la…

Cabsida la qabo inuu ku fataho wabiga Shabeelle xaafadaha Baledweyne oo sii kordheysa

 Jimco, May, 17, 2024 (AX) - Waxaa saacadba saacada ka dambeysa sii kordheya cabsida laga qabo inuu karkaarada ku jabsado wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan.Bulshada ku dhaqan xaafadaha Kooshin iyo Buundaweyn ayaa ku guuleystay iney iska xiraan goobo ku yaala xaafadahaasi oo qarka u saarna in biyuhu kasoo baxaan.Goobaha dadka xaafadahaas ku guuleysteen iney iska xiraan ayaa kala ah Bilisdiid iyo Nuur macalin, waxaana la sheegay in meelahaas ay jabiyeen markii hore kooxo ka macaasha…

Wiil 12 jir ah oo aargoosi aano qabiil loogu dilay gobolka Galgaduud

 Jimco, May, 17, 2024 (AX) - Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa ku dilay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kasoo jeeday deegaan ahaan magaalada Galdodob ee gobolka Mudug.Wiilka yar ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Cabdisalaan Jaamac, waxaana la tilmaamay in dilkiisa ay geysteen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.Dilka wiilka yar ee 12 jirka ahaa ayaa maanta si weyn looga hadal haya deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud,…

Lataliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahiyay waxyaabaha dowladda uga qabsoomay Amniga

Jimco, May, 17, 2024 (AX) -Lataliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha dhanka amniga uga qabsoomay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan laba sano u buuxsantay iney wax badan oo muuqda ay ka qabatay dhanka amniga guud ee dalka.“Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh dhanka amniga dalka wax weyn ayuu ka qabtay tan iyo markii uu…

Xukumadda Fedaraalka oo ciidamo aad u hubeysan u dirtay gobolka Shabeellaha dhexe

Jimco, May, 17, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ciidamo farabadan oo aad u hubeysan u diray gobolka Shabeellaha dhexe oo maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan ay kula dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.Ciidamadaan ayaa Taliska Booliiska ugu talo galay iney kala dhex galaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya mudooyinkii dambe tuulooyiin hoostaga deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa kula dardaarmay…

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday 70 jir lagu helay maalgelinta Al-shabaab

Mogadishu (AX) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku riday nin oday ah oo 70 sano jir ah, kaasoo lagu helay dambiyo la xariira lacag dhaqis iyo maalgalinta kooxda Al-shabaab.70 jirkaan oo lagu magacaabo Cali Xuseen Isxaaq ayey maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay 7 sano xarig ah iyo ganaaxa lacag dhan $3,000 oo dollar.Ninkaan la xukumay ayaa Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ku soo eedeeyey in akoonkiisa gaarka ah kooxda Al-shabaab loo marsiiyey lacag dhan nus milyan dollar.Dambiyada 70 jirkaan oo ay…

Shirka Golaha Wadatashiga oo warbixin looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka

Khamiis, May, 16, 2024 (AX) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socda maalintii sadaxaad oo xiriir ah xarunta Aqalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin waxaa looga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.Afhayeenka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Taliska ciidanka xoogga dalka in madaxasha ku soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalada looga xureeyey kooxda Al-shabaab deegaano badan oo…

Gobaladda Waqooyi iyo Ingiriiska oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka

 Khamiis,  May, 16, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Aqalka ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku jooga Gobaladda Waqooyi.Sida madaxtooyadu baahisay kulanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo door ah oo ay ka mid ahaayiin dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan Ingiriiska iyo Gobaladda Waqooyi iyo hawlaha qabsoomidda doorashooyinka la filayo.Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Gobaladda Waqooyi ku amaanay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More