Browsing Tag

oo

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab

Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay ka sameeyeen deegaanka Kuunyabarow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ku soo qabtay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Cali Dhaayoow ayaa lagu soo bandhigay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay isaga iyo hubkii uu watay.Ninkaan ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa ku labisnaa dharka tuutaha ee ciidanka dowladda Fedaraalka, waxaana…

Hogaamiye Xasan Sheekh oo fariin xasaasi ah u diray mucaraadaka dowladdiisa

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Shalay Salaadii Jimcaha kadib khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Masajid ku dhex yaala madaxyooyada dalka.Hogaamiyaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, isagoona ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay in dalka laga ciribtiro kooxda Al-shabaab.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ugu baaqay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladiisa iney kusoo garab is tagaan…

Baledweyne oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga xaflada Caleema saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray inta badan Xildhibaanada Beelaha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, masuuliyiin kale iyo dad weyne oo farabadan.  Masuuliyiintaan kala duwan ee soo gaaray Baledweyne ayaa u yimid ka qeybgalka xaflada lagu Caleema saarayo Ugaaska guud ee beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas…

Qaramada Midoobay oo wada hadalo ku saabsan mustaqbalka xafiiskeeda UNSOM kula jirta dowladda Soomaaliya

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM).Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka, wuxuuna xusay inay mar walba ka go’an tahay inay iskaashi la yeeshaan oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya. Ari Gaitanis wuxuu sheegay, in labo…

Khabiirka xaquuqul insaanka Soomaaliya oo walaac ka muujisay khilaafka wax ka beddelka dastuurka dalka

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Khabiirka Madaxa Banaan ee QM ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Isha Dyfan oo soo gabagabeysay booqashadeedii saddexaad oo ay ku tagtay Soomaaliya, ayaa muujisay welwel ku saabsan is-afgarad la'aanta wax ka beddelka lagu sameeyay cutubyada dastuurka dalka.Isha Dyfan, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wadahadalada si loo ilaaliyo horumarka kor loogu qaadayo dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.Khabiirka Madaxa bannaan ayaa…

Beeralayda basasha ee magaalada Godey oo ka cabanaya cudur basasha ka dhigaya mid aan la isticmaali karin

 Jimco, May, 10, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegaya in Beeralayda Basasha ee Godey uu soo wajahay cudur lagu magacaabo Marooriye, kaas oo ku dhacay basashii ay beeralaydu tabcadeen isla markaana ka yeelay basashii mid aan la isticmaali karin.Cabdiqani oo kamid ah beeralayda uu cudurkani saameeyay ayaa Warbaahinta u sharxay qaabka uu cudurkani basasha ugu dhaco isagoo yiri " Basashu waa geed yar oo sida cowska oo kale ah Dabaysha iyo roobka socda ayaa…

Booliiska Gobaladda Waqooyi oo soo qabtay nin xalay dil ka gaystay magaalada Hargaysa

 Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) - Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa gacanta kusoo dhigay wiil ku eedaysan in uu xalay abaaro 11:00 uu wiil kale oo dhallinyaro ah middi ku dilay.Booliiska ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Eedaysane Jimcaale Maxamed Maxamuud oo 17 jir ah , kaasoo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 11:00, Middi ku dilay Cabdixakiin Aadan C/laahi oo 18 jir ahaa, degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa."Dedaal iyo baadhid dheeriya oo ay sameeyeen ciidanka booliska gaar ahaan qaybta barigu, iyagoo kaashanaya…

Raysal Wasaare Xamse oo Baarlamaankii hore ku tilmaamay kuwa laaluush qaatayaal ahaa

 Khamiis, May, 9, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka horumarada ay ku talaabsatay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda Fedaraalka sidii ay u sii xoojin laheyd horumarada ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyadoo loo marayo barnaamij siyaasadeed ka kooban lix tiir…

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo rajo fiican ka muujiyay in uu markale ku guulaysan doono doorashada

 Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu isagu markale yahay musharaxa xibiga Kulmiye, isla markaana uu guulaysan doono.Waxa uu sheegay in uu diyaariyay doorashadii madaxweynaha oo la qaban doono 13 November ee sannadkan, sida ay baahisay warbaahinta xukuumada Gobaladda Waqooyi.“Doorashadii madaxtooyada Ka madaxweyne ahaan iyo aniga oo ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye waa naga diyaar waananu helaynaa" ayuu yidhi Hogaamiye Biixi.Isaga oo ka jawaabaya dhawr…

Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya oo kala saxeexday heshiis Gobaladda Waqooyi loogu tababarayo ciidamo booliis ah

 Khamiis,  May, 9, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya Gobaladda Waqooyi ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub.Heshiiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska."Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo Hogaamiyaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More