Waddamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo Soomaaliya ku taageeray diidmada heshiis Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi
Waddamadan waxay muujiyeen diidmadooda ku aaddan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha heshiiskaas, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.
Waxay ku tilmaameen heshiiska Ethiopia ay ku doonayso inay ka qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya inuu halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.
Shirka lagu cambaareeyay heshiiska Ethiopia iyo Gobaladda Waqooyi waxaa ka qeyb galay, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit.