Aabe iyo caruurtiisa oo ku geeriyooday qarax uu ku diyaarinaayay gurgiisa oo ku yaala Ceelasha biyaha
“Ceelasha Biyaha: Dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo Miino ku dhex sameynayay Gurigiisa ayaa qaraxii uu maleegayay wuxuu ku qarxay isaga iyo reerkiisa. Labo carruur ah oo uu dhalay iyo isagii ayaa qaraxaas ku geeriyooday, waxaana dhaawac ah hooyadii qoyska” ayaa lagu qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.
Qaraxa kadib waxaa gaaray guriga mashaqada ka dhacday ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Nabadsugida ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo goobta ka sameeyeey baaritaano ku aadan waxa qaraxan sababay.
Si kastaba ha ahaate ma ahan markii ugu horeeysay oo qarax ka dhax dhaco guri lagu diyaarinayay miino iyo waxyaabaha kale ee qarxa oo waxyeelo noocaan oo kale ah ay kasoo gaarto dadka ku sugan guryaha ay ka dhacaan qaraxyada lagu dhex diyaariyo.