Wasiirka Gaashaandhigga oo xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh ay u xiran yihiin leexsashada raashinka ciidanka Danab
Wuxuu sheegay in raashinka lagu iibsaday suuqyada.
“Dowladnimada ceeb ayay ku tahay in wax la xado. Cid allaale ciddii lagu helo maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lagu qaadayaa dambigeeda,” ayuu yiri wasiirku.
Si kastaba ha ahaatee, Xukumadda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto xiriirkooda iyo wada shaqeyntooda ciidanka Danab.
Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadanayso dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa.