Beelweynta Abgaal oo ku baaqday inuu is casilo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe
“Hogaamiye Cali Guudlaawe waa inuu ka tanaasulo hoggaaminta Hirshabeelle, sababtoo ah wuxuu qeyb ka yahay qacabadaha maamulka, sidaas darteed xalka qeyb kama noqon karo. Waxaan iclaamineynaa shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Hirshabeelle, si looga tashado dhismaha HirShabeelle cusub. Waxaan ugu baaqeynaa Hogaamiye Xasan Sheekh inuu si dhow ula socdo xaaladda Hirshabeelle” ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray shirka Beesha Abgaal.
Waxaa sidoo kale ay sheegaan Duubabka iyo waxgaradka Beesha Abgaal in deegaanada Hirshabeelle ay yihiin kuwa ugu qanisan guud ahaan dalka, hayeeshee haatan ay yihiin deegaanada ugu nasiibka xun Soomaaliya, taasina uu sababteeda leeyahay madaxweyne Cali Guudlaawe.
Warkaan kasoo yeeray beelweynta Abgaal ayaa kusoo beegmaya, iyadoo tan iyo dhismahii maamulka Hirshabeelle ay tabasho xoogan qabtay beelweynta Xawaadle oo si weyn u diidan hanaanka awood qeybsiga Hirshabeelle, taasoo sababtay in Hiiraan looga dhawaaqo maamul ka madax banaan Hirshabeelle oo la magac baxay Hiiraan State, waxaana xusid mudan in diidmada beesha Xawaadle ay si weyn u cuuryamisay horusocodka Hirshabeelle.