Maleeshiyo beeleed hubeysan oo Shabeellaha dhexe ku weeraray ciidamo ka tirsan Danab

 
Khamiis, May, 23, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Danab oo sida la sheegay ka ambabaxay magaalada Jowhar, islamarkaana kusii jeeday gobolka Hiiraan.
Ciidamada Danab iyo maleeshiyaadka weerarka dhabagalka ah ku qaaday ayaa waxaa dhexmaray dagaal mudo kooban socday oo sida lasoo warinayo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, walow si rasmi ah aanan loo ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha.
Weerarkaan maleeshiyaadka hubeysan ku qaadeen ciidamada ka tirsan ayaa la laxiiriranayaa inuu yahay mid salka ku haaya aanooyin qabiil, maadama ciidamada la wareeray ay ahayeen kuwa fasax watay oo kusi jeeday gobolka Hiiraan oo ay deegaan ahaan kasoo jeedaan.
Talaabadaan oo ah mid ugub ku ah dagaalada salka ku haya aanooyinka qabiil ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bilahii lasoo dhaafay dagaal beeleedyo khasaare badan dhaliyay ay ka dhaceen deegaano ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More