Howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud

 
Khamiis, May, 23, 2024 (AX) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Geerile oo dhanka Galbeed kaga beegan degmada Ceeldheer.
War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab fariisin gambaad u aheyd oo ay ku lahayeen deegaanka Geerile.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedadaalka laguma faahfaahin khasaraaha baaxada leh ee la gaarsiiyay kooxda Shabaab inta uu dhan yahay.
Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan oo la hadlay Warbaahinta qaranka waxay sheegeen in howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan kooxda Al-shabaab iney sii wadayaan ilaa ay ka ciribtirayaan Al-shabaabka ku sugan deegaanada Gobolka Galgaduud.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More