Skip to content
Tuesday, August 18, 2026 4 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 12:02
Muqdisho 27°C
Breaking: Australian Woman to Appeal Conviction in Mushroom Murders Case
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Nin hubeysnaa oo sadax Israa’iiliyiin ah ku dilay xadka Urdun iyo Daanta Galbeed

Follow
Newsroom published Updated 2 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Nin hubeysnaa oo sadax Israa'iiliyiin ah ku dilay xadka Urdun iyo Daanta Galbeed

Isniin, September, 9, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu ka geystay xaduuda u dhaxeysa Urdun iyo Daanta Galbeed ee la heysto nin u dhashay dalka Urdun oo watay gaari xamuul ah.

Ninkaan weerarka fuliyay oo ah Darawal ayaa magaciisa lagu sheegay Maher Jazi, kaasoo weerarka ka fuliyay meel u dhaw buundada Allenby ee ka soo gudubta dhanka Urdun isagoo watay gaariga xamuul ah.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Militariga dalka Israa’iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ninkaan uu rasaas ku furay ciidamada difaaca Israa’iil ee (IDF) ee ku sugnaa marinka laga soo galo Daanta Galbeed dhanka xaduuda Urdun.

Xukumadda Urdun ay dhankeeda sheegtay iney baarayso weerarkan ka dhacay dhulka ay maamusho Israa’iil, halkaas oo baabuurta dalka Urdun ay ka gudbiyaan badeecadaha gala Daanta Galbeed.

Sadaxda ruux ee ku geeriyootay weerarka uu fuliyay ninka Darwalka ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Yohanan Shchori aha 61 sano jir, Yuri Birnbaum oo isna da’diisa lagu sheegay 65 sano jir iyo Adrian Marcelo Podzamczer oo aan da’diisa la sheegin.