Browsing Tag

Bari

Daacish oo isku ballaarisay dhulka buuralayda gobolka Bari ee Waqooyi Bari

 Talaado, May, 28, 2024 (AX) - Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta siyaasadda Imaaraadka ayaa lagu muujiyay khatarta sii kordheysa ee ka imaanay Waqooyi Bari.Isballaarintaan ayaa ku timid Khasaarooyin ku yimid kooxda ay iska soo horjeedaan ee Al-Shabaab oo la safan Al-Qaacida.Wararka ayaa sheegaya in Daacish ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta Buuraleyda Al-Miskaad ee istiraatiijiga ah kadib dagaalo sanado badan qaatay oo dhexmaray labada dhinac.“Balaadhinta Daacish ee Waqooyi Bari waxa ay kooxda siisaa…

Waqooyi Bari: Ma jiraan ciidamo federaalka katirsan oo Waqooyi Bari ka howgalla

 Isniin, May, 27, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag.War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in warkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah, iyadoo wasaaraddu tilmaamtay, in ay Waqooyi Bari amnigeeda ku filan…

Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in Shabaabkii lagu jebiyay Galmudug iyo Hirshabeelle ay isku urursadeen degaanada Waqooyi Bari

 Isniin, May, 27, 2024 (AX) - Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, Shabaabkii looga adkaaday dagaalladii ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, in ay isku arursadeen buuralada gobolka Bari ee Waqooyi Bari.Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlayay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay, in dowladda federaalka ay duullaan ku qaadday Shabaabkaas, kuwaas oo uu tilmaamay inay abaabulayeen weerarro ka dhan ah shacabka Waqooyi Bari.Wasiir Caddaala wuxuu sheegay,…

20 katirsan Shabaab iyo horjoogayaashooda oo lagu dilay howlgal ka dhacay buuraha Calmadow ee Waqooyi Bari

 Axad, May, 26, 2024 (AX) - In ka badan 20 katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay, tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Waqooyi Bari.Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan sidoo kale lagu qaarijiyay 3 kamid ah horjoogayaasha Shabaab. kuwaas  oo ku dhuumaalaysanayay buuraha Calmadow.Sida ay dowladdu sheegtay, Hawlgalkan ayaa lagu…

Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen kolanyo ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya oo ku socdaalayay duuleedka magaalada Gaarisa.Weerarka dhabagalka ah ayaa si gaara uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Ijaara, waxaana halkaas Al-shabaab iyo ciidamada Booliiska dalka Kenya ku dhexmaray dagaal xoogan oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira…

Hogaamiye Deni: Waqooyi Bari waxay diyaar u tahay garnaqsi, laakiin la isma maquunin karo

 Arbaco, May, 22, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay, in Waqooyi Bari ay diyaar u tahay wada hadal iyo garnaqsi ku aaddan halka ay dowladnimada Soomaaliya u socoto, hase ahaatee waxaa uu sheegay in aan xoog la isku maquunin karin.Hogaamiye Deni waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay weli Waqooyi Bari ku hayso fara galin siyaasadeed, si ay saamayn ugu yeelato arrimaha gudaha Waqooyi Bari. Wuxuu kaloo sheegay dowladda federaalka inay legdan kula jirto Waqooyi…

Waqooyi Bari oo xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday rag loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab

Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Waqooyi Bari ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday afar eedaysane oo lagu helay inay xiriir laleeyihiin kooxda Alshabaab.Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Axmed (Qeyliye) ayaa lagu helay inuu heshiis kula jiray horjoogaha kooxda Alshabaab ee Waqooyi Bari.Maxkamaddu waxay sheegtay eedeysanahan inuu Shabaab u qaabilsanaa inuu u kaxeeyo gaadiidka lagu soo qaado dableyda kooxda Shabaab u qaabilsan dilalka qorshaysan.Maxkamaddu…

Boosaso: Rag loo haysto inay Alshabaab la shaqayn jireen oo lasoo taagay maxkamadda ciidamada Waqooyi Bari

Isniin, May, 20, 2024 (AX) - Shan nin oo loo haysto inay kooxda Alshabaab la shaqeyn jireen ayaa lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Waqooyi Bari xarunteeda magaalada Boosaaso.Raggaan ayaa lagusoo eedeeyay dambi ah, inay gaadiidkooda ugu adeegi jireen Alshabaab, iyagoo usoo qaadi jiray xubnaha Shabaabka ee ku sugan dhulka buuraleyda ah si ay howlgallo dilal ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in raggaan lagusoo qabtay markii dabagal lagu sameeyay labo…

Waqooyi Bari oo xorriyadoodii usoo celisay ajaanib horey uga tirsanaa kooxda Daacish

 Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Waqooyi Bari ayaa xorriyadoodii usoo celisey 6 eedaysane oo ajaanib ah oo horey uga tirsanaa kooxda Daacish.Ajaanibtan ayaa u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko, waxaana lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda Waqooyi Bari si loogu diro dalalkoodii.Sidoo kale maxkamaddu waxay xorriyadoodii siisay 6 dhallinyaro ah oo aan gaarin da’da qaan-gaarka ah, kuwaas oo iyagana katirsanaa kooxda Daacish.Dhallinyaradaan ayaa lagu wareejiyey…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More